Bilowgii Haasaawihii Guurka Trump Iyo Marwada Koowaad: “Ninku Lambarka Taleefannadiisa Ka Uu Gabadha Siiyo Ayaa Ay Sirtu Ku Jirtaa” Waxaa Sharraxaysa Melania Trump

21
2967

Washington (Geeska)- Melania Trump oo ah marwada koowaad ee Maraykanka ayaa mar ay dhowaan ka sheekaysay haasaawihii guur ee iyada iyo madaxweyne Trump waxa ay waxa ay caddaysay in ay is barteen sannadkii 1998 kii, muddo 7 sano ah oo ay sheekaysanayeen kaddibna ay is guursadeen sannadkii 2005 tii isla sannadkii xigay ee 2006 dana uu dhashay wiilkeeda keliya ee Barron Trump.

Siddeedii sano ee ka horreeyey guurka Trump iyo Melania waxa uu Trump soo guursaday saddex dumar ah. Waxa ay ahaayeen Maples, oo ahaan jirtay warfidiyeen talefishanka ka hadasha oo caan ah hore u noqotay boqoradda quruxda Maraykanka, waxa aanay Trump u dhashay inantiisa Tifanny Trump.

Tiffany iyo Trump waxa uu xidhiidh haasaawe dhex maray iyada oo weli Trump wada joogaan xaaskiisii ugu horreysay ee  Ivana Zelnickova oo ahayd gabadh isir ahaan ka soo jeedda dalkii hore la isugu odhan jiray Jogoslafaakiya (Czechoslovakia) oo imika noqday laba dawladood oo kala ah Czech iyo Slovakia.

Xaaskaas Ivana oo uu Trump guursaday sannadkii 1977 kii waxa ay u dhashay saddexda ugu waaweyn shantiisa carruur ah oo lagu kala magacaabo Ivanka , Eric iyo curadkiisa uu isugu magac daray ee Donald Trump-ka yar, kaas oo 8 sano oo keliya ka yar aayadiisa marwada koowaad ah ee Melania. Donald Trump iyo Ivana Zelnickova Siddeetamaadkii qarnigii hore waxa ay ka mdi ahaayeen dadka ugu magaca dheer bulshada New York dhexdeeda, gaar ahaan dhinaca fanka, xayeysiiska iyo maadaysa, laakiin sannadkii 1992 kii ayaa ay ku kala tageen furniin dadweynaha oo dhami ogaadeen.

Melania Trump waa marwadii koowaad ee labaad Maraykanka ee aaminsan mad-habta Kaatoligga ee Masiixiyadda, waxaa ka horreysay marwadii uu qabay madaxweynihii la dilay ee Maraykanka John F. Kennedys, oo Melania horteed ahayd marwada keliya ee mad-habtaas aaminsan ee Maraykanka soo martay. Waxa se’ la sheegaa in Melania ay aad u qariso ku dhaqankeeda diintan ay aaminsan tahay, taas oo laga yaabo in ay sababteeda leedahay xaaladdii ay ku soo kortay markii ay joogtay dalkeedii hooyo ee Czechoslovakia xilligii ay Midowga Soofiyati ka tirsanayd oo diimaha aad loo cabudhin jiray.

Xiisaha bilowgii haasaawaha Trump iyo Melania

Melania Trump pp ka sheekaysay sidii uu ku bilowday haasaawihii iyada iyo maalqabeenkan  ayaa sheegtay in markii koowaad ee ay kulmeen oo ahayd magaalada New York sannadkii 1998 kii uu ka dalbaday in ay lambarka talefankeeda siiso, laakiin ay ka diidday.

Melania oo markaas 28 sano jir ahayd, waxa ay Trump ku kulmeen casuumad uu sameeyey ganacsadaha Talyaaniga ah ee  Paolo Zampolli oo ah ninkii sabab u ahaa in Melania ay Maraykanka ka noqoto xiddig dhar xayeysiinta ah. Trump oo markaas ahaa maalqabeen loofarnimada caan ku ah oo aan sumcad fiicnayn waxa uu casuumaddan yimi isaga oo wata gabadh kale oo ay haasaawayeen, laakiin xiise kedis ah ayaa u galay gabadhan xiddigta dharxayeysiinta ah ee uu arkay, arrinta xiisaha leh ee ay Melania ka sheekaysay ayaa ah qaabkii uu ugu guulaystay in isaga oo gabadh la socda uu gabadh kale barto, waxa aanay tidhi, “Waxa uu casuumadda yimid isaga oo gabadh kale wata, laakiin xamaamka ayaa uu u diray si uu waqti ugu helo in uu ila hadlo”

Si kastaba ha ahaato ee Melania waa ay ogeyd sumcad xumada Trump sidaa awgeed ma’ay xiisayn in ay isbartaan, inta uu ku soo dhowaaday ayaa uu ka codsaday in ay siiso lambarka talefankeeda, laakiin inta ay u diidday lambarkii ayaa ay isagii ka dalbatay in uu isu sharraxo qofka uu yahay iyo waxa uu doonayo.

Melania oo la hadlaysay majaladda caanka ah ee GQ (Gentlemen’s Quarterly) oo ka faalloota labbiska iyo xarragada ragga ayaa sheegtay sababta ay lambarka talefankeeda u siin weyday Trump, “Haddii aan markaas lambarkayga siin lahaa, waxa uun aan ka mid noqon lahaa dumarka uu talefanka kala hadlo”

Maadaama oo ay ninkan dumar badan ku ogeyd, waxa ay go’aansatay in xidhiidhkoodu u bilowdo si adag oo aan tumasho iyo gaabsi ahayn, iyada oo martay xeelad aad u sarraysa oo ah in ay isaga weydiiso in uu lambarkiisa siiyo. Waxa ay doonaysay in ay ogaato lambarka shaqada iyo kan gaarka ah midka uu siiyo, si ay halkaas uga malayso waxa uu run ahaan ka doonayo guur iyo gaabsi. Waraysigan oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa ay Melania ku tidhi, “Lambarka talefanka ee uu ku siiyo, ayaa waxbadan kaaga iftiiminaya damaciisa”

Laakiin Melania waxa ay sheegtay in Trump uu imtixaankaas ka gudbay oo u muujiyey in uu daacad ka yahay xidhiidhka uu ka rabo, waxa aana taas u xaqiijisay , markii uu siiyey, kaadh ay ku qoran yihiin, “Dhammaan lambarrada kala duwan ee talefannadiisa” oo ay ku jiraan kuwa shaqada, kuwa guriga iyo kuwa gaarka ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here