Berbera: Gabadh Rasaas Ku Geeriyooday Iyo Wiil Uu Qabile Dhalay Oo Dhaawacmay

0
526

Picture5Berbera(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa xalay magaalada Berbera geeriyooday gabadh lagu magacaabo Xamda, halka uu ku dhaawacmay wiil lagu magacaabo Sacad Maxamed Faarax Qabile.

Gabadha ayaa u geeriyooday rasaas la riday, ka dib markii ay isku dhaceen carruur uu dhalay xildhibaan Maxamed Faarax Qabile iyo nin ay sheegeen inuu yahay ninkii rasaaseeyay aabahood xildhibaan Qabile dhawr bilood ka hor.

Iska horimaadka ayaa  la sheegay inuu bilaabmay kadib markii wiilka uu dhalay xildhibaan Qabiile uu burburiyay gaadhi uu lahaa  nin ku eedaysnaa inuu rasaaseeyay aabihii.

Marxuumadan ku geeriyootay rasaasta ayaa ahay haweenay jaadka  iibisa oo lagu magacaabi jiray Xamda Cilmi, dad shacab ah ayaa soo buux dhaafiyay agagaarka saldhiga dhaxe ee Berbera iyo cisbitaalka guud. Booliska iyo maamulka gobalka Saaxil oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno ayaanay noo suurtogelin.