Beesha Cabdalle Sacad Oo Isku Raacday Murashaxii Uga Qaybgeli Lahaa Doorashada Baarlamaanka

0
792

Hargeysa (Geeska)- Beesha Cabdalle-sacad oo katirsan beelweynta Sacad Muuse, ayaa kulan ay shalay ku qabsatay magaalada Hargeysa kusoo bandhigtay xildhibaanka ay isla garteen inuu uga qayb galo doorashada golaha wakiillada ee dalka ka qorshaysan sanadka 2018-ka.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen madax-dhaqameedka, ugyaasyada iyo waxgaradka beeshu, ayaa si rasmi ah la isugu raaco inuu Maxamed Axmed Xaamud uu noqdo siyaasiga magaca beesha kaga qaybgeli doona doorashada soo socota ee golaha baarlamaanka Somaliland.

Ugaaska guud ee Beesha Mudane Xawaareeye, suldaan Mawliid Sabbays iyo xubno magac leh oo siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha isugu jira, ayaa madashaas xaadir ku ahaa, waxana ay bogaadiyeen siyaasiga beeshu isku raacday inuu doorashadaas magaca beesha ku metelo, waxana loo rajeeyey guul iyo horumar.

Sidoo kale waxa ay madax-dhaqameedkii madasha joogay waxa ay caddeeyeen inay taageero xoog leh isla garab istaagi doonaan siyaasi Maxamed Xaamud Axmed, iyaga oo dhammaanba xubnaha kale ee beeshana ka codsaday inay taageeradooda u huraan oo codkooda la garab galaan si uu guul uga soo hooyo doorashada la geli doono.

Siyaasi Maxamed Xaamud Axmed, ayaa isaguna si weyn uga mahadnaqay taageerada beesha iyo sida ay isugu raaceen inuu doorashada Baarlamaanka u metelo, waxana uu shaaciyey inuu  ka shaqayn doono caddaalada iyo horumarka dalka haddii uu guulaysto.