“Beesha Caalamku Ha Ixtiraamo Qaddiyadda Dalka Somaliland”Wasiirka arrimaha gudaha

0
645

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay qadiyada iyo madax-banaanida Somaliland halka ay ilaa hadda Beesha Caalamku ka tagan tahay, waxaanu sheegay inay Somaliland wax badan ka hirgaleen, loogana baahan yahay Beesha Caalamku in aanay iska indho tirin jiritaanka Somaliland ee ay ixtiramaan, waxaanu xusay in Somaliland iyo Somaliya aanay isku mid ahayn ee ay kala madax banaan yihiin. 

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramayay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay shuban biyoodka ka dilaacay Burco, Sicir bararka iyo qodobo kale, waxaanu yidhi ugu horeyn isagoo ka hadlaya qadiyada Somaliland  “Wadanka Somaliland, waa Wadan madax banaan oo Somaliya ka go’ay 1991-kii, waa dal wax badan qabsaday, waa Wadan si toos ah ay uga hirgaleen nidaamka Dawladnimada, waa wadanbuuxiyey shuruudihii wadan looga baahnaa, waa wadan ka guuray nidaamkii qabyaalada, una guuray nidaamka Xisbiyada badan, waa wadan ay ka dhaceen doorashooyin xor iyo xalaal ah, oo qof walba iskii u dooranayo cida uu doono, markaas in Somaliya oo aanu markii hore midoownay dibna u kala baxnay, in la isku kaaya khaldo maaha, ee beesha caalamka, gaar ahaan midawga Yurub, Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, Jaamacada Carabta, IGAD, inay guud ahaan madax banaanida iyo jiritaanka Somaliland ixtiramaan oo ay qadariyaan ayaan kula talinayaa oo aanay iska indho tirin jitaankeena”.

Wasiirka Arrimaha Guddaha mar uu Bulshada baaq u diraayey ayaa yidhi “Guud ahaan shacabka reer Somaliland, waa shacab aad u jecel dalkooda, waa shacab si wanaagsan oo hagar la’aana dawladooda iyo Xukuumadooda ula shaqeeya, waxaana ku dhiirigelinayaa inay mid ahaadaan, inay qaranimadooda meel uga soo wada jeestaan, oo iska dhex qabtaan cid walba oo ay u arkaan inay duulan ku tahay amaankooda iyo jiritaankooda, mar walbana waa inay is caawiyaan oo waxna isku taraan”. 

Wasiirka arrimaha guddaha mar uu ka hadlaayey shuban biyoodka ka dilaacay Burco waxa  uu yidhi“Reer Burco marka hore waan salaamayaa, waana uga tacsiyaynayaa xanuunkan shuban biyoodka ah ee saameeyey, dadka u geeriyoodayna ALLE ha u naxariisto, samir iyo imaana ha inaga siiyo, dadka kale ee uu ku dhacayna ALle caafimaad inuu siiyo ayeynu uga baryeynaa, Xukuumadduna dadaalkeedii ay ku xamaynaysay kagana hor tagaysay ayey wadaa oo wey ku 

jirtaa, dadkuna inay aad u feejignadaan oo ay aad isku ilaaliyaan, oo nadaafadooda ku dadaalan ayaan kula talinayaa”. 

Wasiirka arrimaha guddaha ayaa dhinaca kale ka hadlay bisha Ramadaan iyo sicir bararka taagan, waxaanu guud ahaan shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay dadkooda u naxariistaan.