Beesha Caalamka Oo Qaadatay Mawqif Ah Inaanay Maalgelin Doorashada Madaxweynaha, Haddii Dib Loo Dhigo Doorashada Golaha Wakiilada

0
486

Hargeysa(Geeska)-Dalalka beesha caalamka ee taageerada nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, ayaa ku adkaysanaya mawqif adag oo ay qaadan doonaan haddii la kala reebo labada doorasho ee madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

1

Warar muddooyinkan dambe isa soo tarayay ayaa tilmaamaya suurtogalnimada in la kala saaro labada doorasho oo dib loo dhigo doorashada wakiilada, lana soo qadimo doorashada madaxtooyada.

Hase yeeshee ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in haddii labada doorasho la kala reebo ay talaabadaasi halis gelinayso nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland islamarkaana ay dalalka doorashooyinka maalgeliyaa cadeeyeen inaanay doorashada madaxweynahana maalgelin doonin haddii la kala reebo labada doorasho oo dib loo dhigo doorashada wakiilada.

Sida ay ilahani sheegeen, mawqifkan Beesha caalamka ayaa ah mid ay ku doonayaan inaan dib u dhac dambe ku iman doorashooyinka islamarkaana la samayn muddo kordhin dambe.

Qaar ka mid ah

hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee Somaliland ayaa guclo iyo orod ugu jira sidii loo kala qaadi lahaa labada doorasho, waxaanay siyaasiyiintani doonayaan in doorashada madaxtooyada la soo horaysiiyo, dibna loo dhigo doorashada golaha wakiilada.

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa hore u go’aamisay in labada doorasho ee madaxtooyada iyo Baarlamaanka mar la wada qabto, iyadoo uu Madaxweyne Siilaanyana digreeto ku soo saaray go’aanka maxkamadda sare.