Beesha Caalamka Oo Madaxweyne Xasan Sheekh Ku Canaanatay Sida Uu Ugu Fashilmay Sugidda Ammaanka

0
453

Picture7Muqdisho(Geeska)-Wadamada reer galbeedka ee taageera dawladda tamarta daran ee Somaliya ayaa madaxweynaha dawladaas Mr. Xasan Sheekh Maxamuud ka codsaday inuu wax ka bedelo qorsheyaashiisa amni, iyadoo ay Muqdisho toddobaad keliya ka dhaceen laba qarax oo mid ka mid ah lagu weeraray gudaha madaxtooyada uu degenyahay.

Dalalka deeq bixiyayaasha wakiilo ka socda ayaa toddobaadkan waxay kulan la yeesheen Madaxweynaha Somaliya si ay ugala hadlaan walaaca ay ka qabaan xaaladda amni ee ka sakow Somaliya, ka taagan magaalada Muqdisho. Kulankaas oo aan saxaafadda loo ogolaan, ayaa waxa si kooban wax uga sheegay safiirka ingiriiska u jooga Somaliya oo barta uu ku leeyahay twitterka ku qoray hadalkan, “Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu deeq bixiyayaasha u muujiyay sida ay uga go’antahay inuu horumariyo amniga, ka dib weerarkii Al-Shabaab.”

Hadalkan oo ah mid kooban, ayaa wuxuu muujinayaa inay beesha caalamku ka walaacsantahay amniga Somaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo sii xumaanaya, kaas oo ay ilaaliyaan islamarkaana ay dhaqaale badan ku helaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Somaliya.

Labadaas weerar ee ka kala dhacay Madaxtooyada Somaliya iyo duleedka xarunta sirdoonka Somaliya, ayaa noqday laba weerar oo muujiyay tabar darida dawladda Somaliya oo mar walba ku doodda inay dagaal ku qaadi doonto Al-Shabaab oo iyadu sheegatay masuuliyada weeraradan.