Beelaha Somaliland Oo Baarlamaanka Muqdisho Ka Helay Saami Cad Quudheed Ah Iyo Qaabka Ay Reeruhu U Kala Qaybsadeen

1
1608

xamarMuqdisho(Geeska)-Beelaha Somaliland oo madaxbanaanidii qarankooda kala soo noqday dalka Somaliya sannadkii 1991, ayaa kooxo magacooda ku qadhaabta oo uu sharciga Somaliland jideeyay in lagu qaado dambi ah khiyaamo qaran, waxa ay mar kale umadda u soo hooyeen ceeb la xidhiidha saami qaybsiga Baarlamaanka Muqdisho.

Maalmihii u dambeeyay waxa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somaliya ka socday olole ay kooxo siyaasiyiin ah oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland balse diidan aayo ka tashiga umaddooda, ay ku qaybsanayeen kuraasi ay dawladda Somaliya u qorshaysay inay Baarlamaankooda ka helaan Beelaha Somaliland. Markase loo eego saami qaybsiga, waxa ay kooxahaasi beelaha Somaliland u soo qaadeen saami u dhigma cad quudheed. Tusaale ahaan Baarlamaanka cusub ee Somaliya oo ay tiradiisu noqon doonto 275 kursi, waxa ay Beelaha Isaaq ka heleen 28 Xildhibaan oo u dhigma boqolkiiba toban  (10.18%), halka ay Beelaha Dhulbahanate ka heleen 8 xildhibaan oo u dhigma boqolkiiba saddex (2.90%), Beelaha Samaroon ayaa iyaguna helay 9 xildhibaan oo u dhigma boqolkiiba saddex  (3.20%), Beelaha Warsengeli ayaa iyaguna helay 6 xildhibaan oo u dhigma boqolkiiba laba (2.18%) , halka ay Beelaha Ciise ka heleen 8 xildhibaan oo u dhigma  boqolkiiba saddex (2.90%)

Geeska Afrika umay suurtogelin inuu helo  sida ay dhammaan beelaha Somaliland jilib jilib ugu sii kala qaybsadeen saamigan ay ka heleen Baarlamaanka dalka Somaliya, waxase u suurtogashay inuu helo qaabka ay Beelaha Isaaq u kala qaybsadeen, waxaanay kala yihiin:

Habarjeclo: 6

Subeer-awal: 6

Arab:          5

Garxajis: 10

Toljecle: 1

Saami qaybsiga ay Beelaha Isaaq tiradan ku heleen, waxay ku timid qaabka ay Somaliya wax u qaybsato ee ah 4.5 oo ay ku tirsanyihiin waxa loogu yeedho Beesha DIR oo guud ahaan isku helay 61 kursi taas oo noqonaysa inay Beelaha Isaaq saamiga DIR ka  heleen  wax ka yar kala badh oo ah 28 kursi. Waxaana halkaas ka cad in ka sokow saamiga guud ee Baarlamaanka Somaliya ay haddana kooxahaas ku qadhaabanaya magaca Beelaha Isaaq cad quudheed ka qaateen waxa ay u yaqaanaan DIR.

Guud ahaan marka la isku daro waxa ay Beelaha Somaliland Baarlamaanka Somaliya ee ka kooban 275 kursi ka heleen saamiga ah 59 kursi, waxaana halkaas ka cad inuu yahay in ka yar boqolkiiba 21 iyo badh  (21.36%), waxaanu saami qaybsigani farriin cad u dirayaa cid kasta oo reer Somaliland ah oo uu hunguri ka hayo midnimo dambe oo dhex marta Somaliland iyo Somaliya.

Comments are closed.