Beelaha Ayuub Oo Qaadacay Ka Qayb Galka Shirweynaha Xisbiga KULMIYE

0
536

BREAKINHargeysa (Geeska) Beelaha  Ayuub ayaa ka Biyo diiday Saamiga  laga siiyey Ergooyinka Xisbiga Tallada dalka haya ee Kulmiye, iyada oo beeshasi saami ahaan looga qoodeeyay  22 Ergey, waxanay Sheegen in aan la siinin saamigii  ay ka mudnaayeen , sidaasi daraadeedna aanay qaadan doonin saamigaas oo ay ku tilmaameen cad quudheed isla markaana ay Beeshu isla garatay inaanay ka qaybgalin shirweynaha xisbiga haddii aan wax laga badalin ergada looga qoondeeyay.

Sidaasi Waxay ku sheegen warmurtiyeed ay ka soo sareen Shir ay ku yeeshen Magaalada Hargeysa.

Bayaanku wuxuu u dhignaa Sidan “Kadib Markii Beesha Ayuub shir ay ku yeelatay Magaalada Hargeysa oo aaanu kaga Arrinsanaynay  Ergooyinka 22 ah ee la siiyey beeshayada, waxay beeshu isla afgartay in aanay Beesha Ayuub  Qaadan Tiradaasi 22 Ergey ee la siiyey, oo aanu u aragno Cad Quudheed oo aan u qalmin beesha,  hoos u dhacna ay ku keenayso Sharaf,  Karamada iyo Milgaha aanu leenahay, Waxa kale oo aanu cambaraynaynaa Masuuliyiinta Kulmiye ee  inta ay qaybiyeen Eergooyin ka baddan 1000  ay beesha Ayuub u soo fiiqeen 22- kali ah, taasina waxay na Tusaysaa milgaha  uu u hayo hogaanka Kulmiye  Beesha Ayuub.

Hadaba Haaddii aynu Milicsano  Sooyaalka Taariikheed ee intii hanaanka Xisbiyada baddan ay Somaliland u guurtay haaddii aynu jaleecno beesha ayuub waxay tahay beesha kali ah ee Boqolkiiba Boqol Codkooda Siin jiray Xisbiga Kulmiye, Haddii ay noqoto Doorashooyinkii Golayasha Deeganka, tii Madaxtooyada, iyo tii Golaha Wakiilada,  sidaasi daradeed Kulmiyoow waxaanu ku leenahay sidday Beesha Ayuub kugu listay Ugumaad hambeyn.

Beesha Ayuub markii ay arrimahaasi oo dhan ay eegtay waxa ay go’aansatay in ay Dib ugu celiso Xisbiga Kulmiye Ergooyinkii  uu u qoondeeyay, waxanuna Leenahay Beesha Ayuub uma Qalanto ee Kulmiyoow dib isku noqda.

Guntii iyo gabagabadii haaddii uu Xisbiga Kulmiye  hoos u eegiwaayo cabashada Beesha waxay Beeshu go’aansaday inaan shirweynaha xisbiga kulmiye cid ku abtirsata Beesha Ayuub ka qayb gali doonin, mustaqbal siyaasadeed ee Beeshana si guud beeshu uga tashan doonto cida ay taageeradeeda uwareejin doonaan doorashoyinka soo socda.

 

Chief Caqil Aw Khadar Aw Hasaan Aw Ibrahim

Caqil Wali Aw Ciise

Caqil  Ahmed Ali Adan

Caqil Kamaal Sh. Mahamed Xaamud

Caqil Hussein Dahir

Caqil A/lahi Raabi Cadan

Caqil dheeg Adan Ahmed

Caqil Abdi Farah

Caqil Mahamed Geele

 Caqil Abdilahi Hassan

 Caqil Burale Mahamed Dheere