BBC-Somali Oo Muddo Ka Dib Yeelay Tifaftire Soomaali Ah

0
684

Hargeysa(Geeska)-Laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa dhawr sannadood ka dib yeelatay Tifaftire guud oo Soomaali ah, waxaana xilkaas ku guulaystay Cabdillaahi Sheekh Cabdirisaaq oo ka tirsanaa shaqaalaha laantan.

Tifaftirahan cusub ayaa noqonaya weriyihii u horeeyay ee Soomaali ah ee laantan madax ka noqda wixii ka dambeeyay markii uu tifaftirihii hore Yuusuf Garaad Cumar iska casilay xilkaas, waxaana sannadahan u dambeeyay madax ka ahaa BBC Somali weriyayaal ajaanib ah.

Sida uu sheegay weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Siciid Cige, BBC-Somali waxa hore tifaftire uga noqday sannadihii sideetamaadkii Cabdiraxmaan Caabi Faarax, sagaashamaadkiina waxa madax ka noqday Maxamed Cabdillaahi, waxaana u dambeeyay Yuusuf Garaad oo isagu xilkaas iska casilay.

Cabdillaahi ayaa waxa uu xilkan qabanayaa iyadoo ay hoos u dhacday sumcadii ay BBC-Somali ku dhex lahayd bulshada Soomaalida ee

dhexdhexaadnimada.