“Basaska Ka Baxa Siinaay Iyo Kuwa Tagi Jiray Madaarka Agtiisa, Labadaba Waxaanu Gaynaynaa Kaantaroolka Shiishadiisa”

49
3295

Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha dawlada hoose ee Hargeysa Axmed Yoonis Aadan ayaa ka jawaabay eedayn uga timid basaska ka baxa Istaanka siinay ee magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay inay Basaska Siinay iyo madaarka duleedkiisa gaadhaba meel isugu gayn doonaan.

Isagoo xoghayaha dawladda Hoose ka jawaabaya eedan wuxuu yidhi  “Basasku maanta magaalada Mushikilad ayay ku yihiin,magaaladii hore waa magaalo yar oo baarkin aan loogu talo galin baabuurta aynu maanta wadano, basaskii shalay hadlaayay ee eedaynta samaynaayay waxay ahaayeen wadada ka baxaysa Ambasador iyo ta Siinaay labadiiba waa ay fideen  basaskiina waxaa soo xidhay taarkii madaarka, markaas basaska ka baxa siinaay iyo kuwa tagi jiray madaarka agtiisa labadaba waxaanu gaynaynaa kaantaroolka shishadiisa, waxaanu wadnaana in qolana sidan u dhaadhacdo oo wadoodii ay maraan qolana ay dhanka galbeed u dhaadhacdo laakiin barta laysugu imanayaa ay hal meel noqoto,qolo waxay leedahay halkaas anaga ayaa marayna mana tagaan imika, waxaynu baahanay in adeega basasku uu dadka wada gaadho, uma baahnin in bas ay meeli u xidhnaato, badhka oo kale niman ayaa yidhi waa naloo xidhayaa mana tagaan, basaskii yar yaraana way ka joojiyeen, basas meel yeelanayaa ma jiraan.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “basaska caasimada nidaamin ayaanu wadnaa oo waxa weeye inaanu basaska magaalada ka saarno, shanta bas ee baxaaya iyo shanta soo galaaya mooyaane inta kale magaalada waanu ka saaraynaa, magaalada gudaheedii waxa ku jira laba kun oo bas, bas waliba waxa uu dhaqaaqaa laba goor, koob iyo tobanka saacadood ee kale waxa uu baarkin ku yahay magaalada gudaheeda intaasna waxa ka faa’idaysan lahaa kumanaan baabuur, waanu soo wadnaa in basaska magaalada laga saaro.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here