Basaasiinta Shiinaha iyo Ruushka Oo Sida Shinida Ugu Xoomay Iran

0
842

Dawladda Iran ayaa si adag ula gorgortamaysa sirdoonka Shiinaha iyo Ruushka inay u oggolaato inay eegaan oo baadhitaan ku sameeyaan farsamada loo sameeyey dayuuradda bilaa duuliyaha ah ee aan raadarku qaban ee US stealth drone RQ-170 ee dhawaan ay gacanta ku dhigeen cidaanka difaaca cirka ee waddanka Iran.

Dayuuraddan oo xagasho yarina aanay soo gaadhin ayaanay weli u suura gelin kooxaha sirdoonka Ruushka iyo Shiinaha ee haatan ku sugan xarunta Tehran ee waddanka Iran kuwaasoo aad ugu xiiso qaba inay eegaan tiknoolajiyada loo adeegsaday samaynta dayuuraddan qarsoodiga ah ee bilaa duuliyaha ah ee wax lagu basaaso.

Abaanduulaha Ilaalada Kacaanka Jeneraal Cali Jacfari ayaa sheegay in haddii sirdoonka waddamadaas ka socdaa ay rabaan inay akaan dayuuraddaas ay markaas iyaguna dhinacooda Iran siiyaan samaynta farsamada sare ee tiknoolajiyada gantaalada, gaar ahaan kuwa ku shaqeeya shiidaalka culus iyo weliba in Ruushku gaar ahaan siiyo Iran gantaalada S-300PMU-1 oo ah lidka dayuuradaha ooh ore Ruushku ugu diiday inuu Iran ka iibiyo.

Gantaaladan ayaa haddii laga iibiyo Iran waxay khatar ku noqonayaan dayuuradah aan raadaarku qaban taasoo kala dhantaalaysa weerar ballaadhan oo wadajir ah oo Maraykanka iyo Israel ay ku soo qaadaan goobaha Nukliyraka ee Iran.

Rai’iisul wasaaraha dalka Israel, Binyamin Netanyahu, ayaa wasiirkiisa arrimaha dibadda Avigdor Lieberman oo ku hadla afka Ruushka u diray waddanka Ruushka si aan looga iibin waddanka Iran gantaalada casriga ah ee S-300 ee ay sirdoonka Ruushka ee haatan ku sugan waddanka Iran ay kula gorgortamayaan masuuliyiinta Iran si loogu oggolaado inay eegaan tiknoolajiyada dayuuradda Maraykanka ee gacanta ay Iran ku dhigtay. Binyamin Netanyahu ayaa arrintan kala tashaday dowladda Maraykanka inta aanu dirin wasiirkiisa arrimaha dibadda.

Ra’iisul wasaaraha Ruushka, Vladimir Putin, oo haatan ay ku furanatahay qalalaase la xidhiidha bannaanbaxyo lagaga soo horjeedo doorashadii golaha xildhibaanada ee ka dhacaday waddanka Ruushka ayaa haddana qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee Yuhuudda Lieberman. Hase ahaatee waxa la sheegay in wadahadalkoodu uu gaabnaa.

Putin ayaa diiday inuu kala xaajoodo wasiirka ama u furaba mawduuca ah in sirdoonka Ruushku ay ku sugan yihiin Iran oo wax la isweydaarsanayo. Lieberman oo wax laga weydiiyey sida wadahadladiisii Ra’iisul wasaaruhu u dhaceen ayaa wuxuu yidhi, “Mawqifka Ruushka ee Bariga Dhexe ma aha mid caawimaad leh”

Masuuliyiinta dowladda Maraykanka oo isku dayey inay la xidhiidhaan madaxweynaha Ruushka Dmitry Medvedev iyo Ra’iisul Wasaaraha Ruushka Vladimir Putin ayaa taleefanada laga qaban waayay oo dhegaha laga furaystay.

Dowladda Ruushka ayaa lagu tuhunsayahay inay waddanka Iran hore gacan uga siiyeen tabaha elektarooniga ah ee hawada looga soo qabto dayuuradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanka.

Dayuuraddan RQ-170 ayaa ah dayuuraddii ugu horreysay ee bilaa duuliyaha ah ee nooceeda ah ee soo gasha hawada Iran. Dayuuraddan ayaa hawsha loo adeegsanayey  ahayd inay wax soo basaasto.