Basaasiin MOSSAD U Shaqeeya Oo Ka Tirsan Kooxaha Aadka Uga Agdhow Aaytullah Ugu Sarreeya Dalka Iiraan

0
1472

Dahran (Geeska)- Warbaahinta dalka Iiraan ayaa sheegtay in sirdoonka dalkaasi uu toddobaaddadii u dambeeyey xabsiga u taxaabay xubno ka tirsan kooxaha aadka uga agdhow wadaadka ugu sarreeya kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan iyo ciidamada awoodda badan ee ilaalada kacaanka, iyada oo lagu eedaynayo in ay ka tirsan yihiin wakaaladda sirdoonka Yuhuudda ee MOSSAD.

Maxamuud Saadiqi oo ka tirsan golaha wakiillada ee dalka Iiraan ayaa shaaca ka qaaday xadhiga laba xubnood oo ka hawgalayey xaurn warbaahineed lagu magacaabo Cammaariyuun oo Kacaanka Islaamiga ahi ugu talogalay dagaalka dagaalka dacaayadaha ee Istaratijiga. Waxa aanay kala yihiin Maxamed Xuseen Rastmi oo madax u ah xarunta iyo Ridaa Kalbuur oo masuuliyiinta ka tirsan isla markaana tifatire u ah wargeyska Keyhaan oo aad ugu dhow wadaadka kacaanka hoggaamiye ee Ayaatullaah Cali Khamena’ii.

Warbaahinta Cammaariyuun waxa ay si adag ugu xidhantahay lana shaqaysaa wakaaladda sirdoonka ciidamada ilaalada kacaanka oo ah wakaalad awood badan oo u dhiganta wasaaradda sirdoonka qaranka ee dalka Iiraan, waxa aanay kaalin weyn ka qaadatay ka hortagga dibadbaxyadii sannadkii 2009 kii ka dhacay dalka Iiraan doorashooyinkii madaxweynaha kadib.

Xildhibaan Maxamuud Saadiq oo warkan ku faafiyey barta uu ku leeyahay shabakadda xidhiidhka bulshada ee Twitter ka ayaa sheegay in labada nine e la xidhay ay ku eedaysan yihiin in ay u shaqaynayeen wakaaladda MOSSAD, iyada la ogyahay in horena isla wakaaladda sirdoonka ciidamada ilaalada kacaanku ay xabsiga dhigtay tiro ka mid ah xubnaha aadka uga agdhow ururrada iyo wakaalado diini ah oo kacaanka taageera, balse dadkan lagu eedeeyey in ay sirdoonka Israa’iil u adeegayeen.

Waxaa muddooyinkii u dambeeyey dalka Iiraan aad ugu soo kordhaya xadhiga dad marka hore lagu tirinayey in ay xubno muhiim ah ka yihiin laamaha kacaanka ee aadka ugu ad-adag taageerada Ayaatullaah Cali Khaamana’ii, laakiin marka dambe ay wakaaladda sirdoonka ilaalada kacaanku ay ogaanayso in ay si hoose ugu xidhan yihiin dawladda sirdoonka Israa’iil oo ay ka shaqeeyaan sidii ay xogo xasaasi ah ugu gudbin lahaayeen.