Barnaamijka: Nabad Waarta Oo Aragti Dumar Ku Dhisan: Gabadh Xallisay Dagaal 11 Sano U Dhexeeyey Laba Qabiil

28
2974

Sanca (Geeska)- Gabadh u dhalatay dalka Yemen ayaa ku guulaysatay in ay nabad ka dhex dhaliso laba qabiil oo dagaal dhiig badani ku daatay muddo 11 sano ah u dhexeeyey. Dagaalkan oo muddo dheer loo maare la’aa waxaa labada dhinac kaga dhintay dad tiradoodu ka badan tahay 60 qof dhaawacuna waxa uu kor u dhaafay 130 qof oo ay ku jiraan, dumar, carruur iyo dhalinyaro tiro badani.

Dhexdhexaadino tiro badan oo ay sameeyeen dawladda dhexe ee Yemen, maamullada deegaanka, hoggaamiyeyaasha qabiilooyinka iyo dad magac ku dhex leh bulshada ayaa dhammaan ku guuldarraystay in ay colaaddan soo afjaraan  muddadaas dheer. “In kasta oo aan ahay gabadh oo weliba aan ka dhashay bulsho xidhxidhan dhaqan ahaan, marka dhinaca dumarka laga hadlayo, haddana dhiig baxa socday ayaa igu qasbay in aan ka baxo aamuska” sidaa ayaa ay tidhi Sumaya Axmed Alxusaam oo ah gabadha ku guulaysatay in ay soo afjarto colaaddan u dhexeysay labada qabiil ee Bani Badar iyo Beyt Alcaaqicid oo wada dega degmada Xujah ee woqooyiga-galbeed ee dalka Yemen.

Sumaya waxa ay hindistay qorshe inta ay indho-adayg samayso ay dhexgelayso goleyaasha lagaga wada xaajoodo xal u raadinta colaadda labada qabiil, akhirkiina waxa ay gaadhay xalkan joojiyey dhiiggii qubanayey ee labada qabiil. Colaaddan ayaa marka hore ka bilaabatay dhul laba qoys ku murmeen oo mid labada qoys ka mid ahi kii kale dilay, kadibna ay bilaabatay colaad kala aargoosi aan joogsi lahayn ah, akahirkiina isu beddeshay dagaal hubaysan oo ay labada qabiil ee labada qoys fool-ka-fool isaga horyimaaddaan.

Sumaya ayaa markii ay muddo ku dhex jirtay goleyaasha lagaga wada xaajoodo colaaddan xal u heliddeeda waxa ay si fiican u daraasaysay oo ay fahamtay xididka ay colaaddani ku aroorto, sababaha keenay, sababta uu xalka la gaadhaa mar kasta u fashilmo iyo aragtida labada qabiil ee dagaalamaya, ee la xidhiidha sida xal lagu gaadhi karo. Kadib waxa ay bilowday wadahadal aan ku koobnayn odayaasha labada qabiil, balse ay ka qaybgelisay dhammaan dhinacyada colaaddu khusayso, (Odayaal, dhalinyaro, dumar, ganacsato, aqoonyahan, culimo, qaybaha kala duwan ee bulshada iwm) wada hadal qof kasta la dhegeysanayo aragtidiisa haddii wixii lagu qancahana la qaadanayo wixii kalana laga qancinayo ayaa ay muddo ka dhex weadday, kadib waxa ay bilowgii keentay heshiis is-af-garad ah oo dhinacyada ku waajibinaya in inta wada hadalladu socdaan la joojiyo colaadda iyo dhammaan ifafaalayaasha colaad muujin kara, taas oo dhalisay jawi dabiici ah oo deegaanka noloshu si caadiya uga socon karto, jawigaas oo abuuray in dadku nabadda jeclaadaan, isla markaana dhinacyadii dagaalamayey ku qasbay in ay xalka ogolaadaan.

Sumaya waxa ay hore u hindistay barnaamij ay ugu magac dartay, “Nabad waarto oo aragti dumar ku dhisan” Hindisahan ayaa ah in xalka dhibaatada loo dhaafo dadka xanuunka dhibtu taabanayo iyo dadka iyagu wada colaadda oo iyaga aragtidooda, sida ay wax u rabaan iyo tabashadoodaba la dhegeysto, kadibna iyaga la’ la dhiso xalka ay soo jeediyaan oo la cilmiyeynayo. Barnaamijkaas u adeegaya bulshada ayaa nabadayntan labada beelood kadib noqday mid ay si gaar ah ugu soo jeestaan guud ahaanba bulshada caalamka iyo hay’adaha ka dhisan goobaha colaaduhu ka jiraan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here