Barnaamijka ‘Deep Grammar’ Waxa Uu Caawinayaa Sixidda Afingiriisiga Farriimaha Lagu Dirayo Talefanka

0
676

1London (Geeska)- Inta badan waxaa dhacda in qofka farriimo Ingiriisi ah ku diraya talefankiisa gacanta ama ku sheekaynayaa qoraallada gaagaaban ee talefanka la isaga diro (SMS) uu dhibaato kala kulmo sixidda ereyada iyo tibaaxaha afka.

Sida caadiga ah afka Ingiriisigu waxa uu luuqadaha kale ee dunida la wadaagaa xeerarka afeed iyo dhisme naxweed oo weliba si gaar ah loo ilaaliyo maadaama oo uu yahay af si aad ah looga shaqeeyo, laakiin in badan ayaa ay dhacdaa in ereyo loo adeegsado meelo aan ku munaasab ahayn ama hawraarta si aan sax ahayn loo dhiso, haddaba adeegga Deep Grammar waxa uu suurtogelinayaa sixidda ereyada iyo weedhaha lagu qoro qaybta farriimaha ee talefannada casriga ah. Adeeggan oo isticmaalaya habka loo yaqaanno garaadka samayska ah oo afka Tiknoolajiyadda lagu yidhaahdo Artificial Intelligence (AI) waxa uu si sahal ah qofka u tusaya qaladka dhinaca naxwaha iyo qaab-isticmaalka ereyga ee ku jira weedhaha uu qoray.

Keliya qofka waxaa laga rabaa in marka uu hadalkiisa  qoro, kadib uu dhex dhigo daaqadda loogu talogalay oo barnaamijka Deep Graammar leeyahay, kadibna uu doorto illaa heerka sixidda ee uu doonayo oo tirooyin ku kala sumadaysan, kadibna uu riixayo batam ay ku qoran tahay Grammar Check Text.  Si uu barnaamijku u eego qoraalka kadibna u soo saaro qaladaadka ku jira iyo sida saxda ah ee ku habboon.