Barnaamij Qofka U Suurtogelinaya In Uu Microsoft Office Wax Ku Qoro Isaga Oo Isticmaalaya Cod Uu U Yeedhinayo

0
737

Washington (Geeska)- Microsoft Garage oo ah mashruuc ka shaqeeya sidii fikir kasta oo tolmoon oo ku soo dhaca maskaxda shaqaalaha shirkadda caalamiga ah ee Microsoft loogu beddeli lahaa ficil ayaa dhowaan sameeyey nidaam cusub oo suurtogelinaya in qofka isticmaalaya barnaamijyada wax lagu qoro ee Microsoft loo isticmaali kari hab ah in loo yeedhiyo waxa la doonayo qoraalkiisa, kadibna uu barnamaijku isagu qoro.

Mashruucan oo ay shirkadda Microsoft ugu talogashay in shaqaalaheedu ay ku dhiirradaan in ay shirkadda afkaar cusub ku soo kordhiyaan ayaa markan aqbalay in uu hirgeliyey fikirkan ka yimid shaqaalihiisa oo ah in qoraalkii lagu qori lahaa bogagga kala duwan ee Microsoft Office ka, sida ‘WORD’ ‘PowerPoint’ ama ‘Outlook’ uu qofku qorto isaga oo aan gacmaha ka shaqaynayn, (Garaacayn) balse keliya afka ka yeedhinaya waxa uu doonayo in uu qoro, kadibna uu qoraal ahaan isu qoro.

Barnaamijkan ayaa adeegsanaya farsamo casiyra oo hadalka u beddelaysa qoraal, waxa aanu illaa hadda fahmayaa oo marka loo yeedhiyo qoraal u rogi karaa in ka badan 20 Af, halka ay sida oo kale suurtogal u tahay in uu turjumaad degdeg ah ku samayn karo 60 Af oo dunida lagaga hadlo, waxaa intaas dheer in barnamaijkan cusub oo ay shirkaddu u bixisay Dictate (Yeedhi) uu awood u leeyahay in uu maqlo amarrada kale ee qofka isticmaalayaa u sheego, tusaale ahaan in cod loogu sheego in uu sadar cusub bilaabo, in uu joogsi iyo calaamadaha la midka ah sameeyo, iyo waxyaabo badan oo qofka u suurtogelinaya in uu sida ugu fiican wax u qoro isaga oo ay gacmihiisu u laaban yihiin.

Barnaamijka cusub ee ‘Dictate’ waxa uu adeegsanayaa Tiknoolajiyad aad u sarraysa oo uu ku aqoonsan karo hadalka qofka, iyo weliba garaas-samays ah oo ay shirkadda Microsoft u adeegsatay gacanyaraheeda ay dhowaan soo kordhisay ee Cartona si macaamiisha uu u caawiyo.