Barkulanka Bulshada Ee Twitter Oo Qorshaynaya In Uu Kordhiyo Tirada Xarfaha Uu Qofku Ku Qori Karo Halkii Mar

0
849

Washington (Geeska)- Barkulanka bulshada ee Twitter ayaa salaasadii toddobaadkii hore ku dhawaaqay in uu wado tijaabada kordhinta xuruufta halkii mar uu qofku gelin karo daaqadad faallada ee akoonkiisa. Masuuliyiinta Twitter ku waxa ay sheegeen in ay wadaan qorshe xuruuftaas oo hadda 140 ah lagu laban laabayo si ay u noqdaan 280.

Tallaabadan ay shirkaddu wax kaga beddelayso tirada calaamadda u ahayd muddada dheer ayaa lagu sheegay in ay jawaab u tahay cabasho marar badan ka timi macaamiisha qaar oo ku dooda in ay tahay xakame dad badan u diidaya in ay si fiican ujeedadooda ugu soo gudbiyaan Twitter ka. Baadhis ay shirkadda Twitter ku samaysay oo arrintan sii xoojisayna ay sheegtay in tirada kooban ee xarfaha qofka wax ku qoraya twitter ka loo ogol yahay ay ka mid tahay caqabadaha waaweyn ee dad badan ka hortaagan in ay isticmaalaan Twitter ka.

Dhambaal ay shabakadda Twitter ku faafisay boggeeda rasmiga ah ee Twitter ka ayaa ay ku tidhi, “Waxaa suurtogal ah in aynu aragno dad badan oo Twitter ka wax ku qoraya, marka ay arkaan in aanay ku qasbanayn in ay fikirkooda ku soo koobaan 140 xaraf oo keliya”

Isbeddelka lagu samaynayo shabakadda Twitter ka ee 11 jirka ah, ayaa yimid kadib, muddo doodo gudaha ahi ka dhex socday farsamayaqaannada iyo masuuliyiinta kala duwan ee shirkadda oo ku hawlan sidii ay u sii kordhin lahaayeen tirada dadka Twitter ka isticmaala oo hadda maraysa 328 milyan oo qof, laakiin muddooyinkii dambe loo soo jeedinayey in ay awoodi kari waayeen in macaamiishooda ay sii kordhiyaan, iyo in ay dadka ku qanciyaan in si joogto ah ay u isticmaalaan baraha ay ku leeyihiin shabakadda, taasina ay raad ku yeelatay waxsoosaarkii dhaqaale ee shirkadda.

Sannadkii hore ayaa ay shirkaddu iskudayday in ay arrintan wax ka beddesho, waxa aanay soo kordhisay in qofku uu sawirro ama fiidyow gelin karo bartiisa, iyada oo aan loo xisaabinayn tirada xuruuftii uu xaqa u lahaa.

Dadka ugu badan ee cabashada ka qaba tirada kooban ee uu twitter ku ogolyahay ayaa ah kuwa ku hadla afafka aan Ingiriisiga ahayn, gaar ah kuwa ugu sii daran oo ahaa dadka ku hadla afafka Jabbaan, Shiinaha iyo Kuuriya oo xarfahoodu sawirro yihiin iyo dadka luuqadahoodu hingaadda ku dhisan yihiin oo inta badan ay taasi keenayso in aan xarafka qoraalkiisa aad loo beddelo karin, waxa aanay dadkani ku cabanayaan in 140 ka xaraf aanay ugu filnayn in ay fikirkooda si waafi ah ugu soo gudbiyaan.

Shirkaddan Maraykanka ah oo xarunteedu ku taalla magaalada San Faransisko waxa ay sheegtay in tiro yar oo ka mid ah macaamiisheeda dunida oo dhan muddo toddobaadyo ah loo furi doono xuruufta 280 ka ah ee tijaabadoodu socoto, laakiin qorshuhu yahay in mustaqbalka macamaiisha oo dhan looga dhigo tiradan cusub. Si kastaba ha ahaato ee shirkaddu ma’ay caddayn sida ay ku dooran doonto macaamiisha ay tijaabadan fursadda u siinayso iyo in ay doorbidi doonto dadka sida aadka ah u isticmaala twitter ka sida madaxweyne Donald Trump oo kale.