Bariiska Caagga Ah Oo La Sheegay Inuu Hargeysa Soo Gaadhay Iyo Halista Caafimaad Ee Uu Leeyahay

0
658

Hargeysa(Geeska)-Bariiska caagga ah ee muddooyinkan dambe dhex wareegayay dalal dunida ka tirsan gaar ahaan Afrika, ayaa hadda la sheegayaa inuu soo gaadhay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Qof Hargeysa degen oo sheegay inuu si kedis ah u arkay bariiskan oo loo soo kariyay, ayaa Geeska Afrika u sheegay in markii uu arkay kana shakiyay uu ku sameeyay tijaabo gacmeed. Wuxuu sheegay in markii loo keenay Bariiska oo bisil ee uu ka shakiyay uu cantoobo bariiska ka mid ah 11 jeer ku sameeyay cajiin, ka dibna bariiskii isu rogay sida kubad oo kale. Tijaabadan cajiinka ayaa ah tijaabo inta badan lagu kala saaro bariiska rasmiga ah iyo bariiska caagga ah. Briiska caagga ah ayaa marka gacanta 11 jeer iyo wixii ka badan lagu cajiimo wuxuu noqonayaa sida kubad oo kale, marka dhulka ama miis lagu tuurana ma kala daadanayo, halka bariiska caadiga ahi marka la cajiimo ee dhulka ama miis lagu tuuro uu si caadi ah u kala furfurmayo.

Qofkan oo ka cudur daartay in magaciisa la sheego ayaa markii uu tijaabadan samaynayay wuxuu iska duubay muuqaal, waxaana la arkayaa Bariiskii oo sida kubadda u bood-boodaya markii uu cajiimay.

Bariiskan ayaa inta aan la karin ay adagtahay in la kala garto inuu yahay bariiska runta ah iyo bariiska caagga ah ilaa shaybaadh loo diro. Laakiin Somaliland ayay fududahay in bariiskan caagga ah iyo waxyaabo kale oo quutal daruuriga ahiba ay si fudud u soo galaan, maadaama oo aanu qaranku lahayn qalab lagu hubin karo tayada quutal daruuriga dalka soo galaya, waxaana hore u jiray walaac isa soo taraya oo salka ku haya halista quutal daruuriga bilaa hubinta dalka ku soo gala oo sababa xanuuno badan.

Bariiskan Caaga ah ayaa  markii u horaysay lagu arkay dalka Shiinaha oo la aaminsanyahay inuu yahay dalka lagu soo farsameeyo, waxaana dhawaanahan dambe lagu arkay dalal ka tirsan qaaradda Afrika sida Nayjeeriya oo iyadu qabatay bariiskaas soona bandhigtay, ka dib markii baadhis lagu sameeyay.