Bare Munaasabadda Guurkiisa Awgeed Ardayda U Ballan Qaaday In Ay Dhammaantood Imitxaanka Baasi Doonaan

0
670

Riyaad (Geeska)- Bare maadadda xisaabta ka dhiga mid ka mid ah dugsiyada dhexe ee dalka Sucuudiga ayaa farxadda maalinta guurkiisa awgeed ardaydiisa ugu bishaareeyey in dhammaantood ay baasi doonaan imtixaanka xisaabta oo uu ka qaaday.

Tallaabadan oo noqotay mid xiise iyo kaftan badan abuurtay ayaa timid kadib markii uu macallinkani warqaddii imtixaanka xisaabta xaggeeda u hoosaysa ku qoray ereyada, “Munaasabadda guurkayga awgeed, cidi ma dhacayso, dhammaan ardaydu waa ay baasayaan” taas oo ahayd hadyad uu doonayey in uu farxaddiisan awgeed in uu ardaydiisana ka farxiyo.

War uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya ayaa lagu sheegay in maalmihii u dambeeyey baraha bulshada ee Internet ka aad loogu dhex arkayey sawirka nuskhad ka mid ah waraaqdii imtixaanka xisaabta oo ereyadan si gaar ah loo calaamadiyey, doodo aad u xiise badan iyo aragtiyo iska soo horjeedaana ka dhasheen.

Bare Mishaari Al-Xarbi ayaa ereyadiisan ay dadka qaar ku macneeyeen kuwo uu uga gol lahaa oo keliya in uu farxaddiisa faafiyo dadkana ka qosliyo, taas oo ay u arkayeen tallaabo u fiican is dhexgalka bulshada iyo farxad wadaagista, halka kuwo kale ay ku doodeen in arrintani ay hawsha waxbarashada raad taban ku yeelanayso.