Barcelona Oo Lasoo Wareegtay Xidiga Khadka Dhexe Ee Paulinho: “Ma Buuxin Karaa Booskii uu Baneeyey Neymar”

0
1476

 

Kooxda Barcelona ayaa qaaday talaabadii ugu horaysay kadib guuldaradii kasoo gaadhay Real Madrid oo ay Tabtay xidigooodii Neymar, waxaanay lasoo saxeexatay ciyaartooy kale oo reer Brazil ah.Barcelona ayaa heshiis la gashay laacibka khadka dhexe ee xulka qaranka Brazil iyo kooxda reer China ee Guanzhou Evergrande ee Paulinho, kaas oo ay ku iibsatay 40 milyan oo Euro.Paulinho oo ah ciyaartoygii u horreeyey ee ay Barcelona iibsato intii uu ka tegay Neymar ayaa ay da’diisu tahay 29 jir, waxaana uu hore ugu ciyaaray kooxda Tottenham oo 17 milyan oo Gini kaga soo qaadatay Corinthians sannadkii 2013, taas oo uu ka tegay markii uu laba sannadood u ciyaaray.Khamiista ayuu baadhitaanka caafimaadka mari doonaa, kaddibna waxa saxaafadda loo soo bandhigi doonaa isla maalintaas.

kooxda Barcelona ayaa heshiis la gashay laacibka xulka Brazil khadka dhexe uga ciyaara ee Paulinho oo ay ka siisatay naadiga chinese ka ah ee Guangzhou Evergrande lacag dhan 40m euros (£36.4m).Paulinho ayaa noqday ciyaartoy rigli ah oo xulka qaranka Brazil aan laga waayin tan iyo markii tababare Tite xilka qabsaday sannadkii hore, waxaana guud ahaan uu u ciyaaray dalkiisa 41 kulan oo uu u dhaliyey 9 gool. Ciyaartiisii ugu horreysayna waxa uu u saftay sannadkii 2013 tartankii ciyaaraha Confederations Cup oo uu udub dhexaad u ahaa.Kooxda Evergrande waxa uu sannadkii hore kula guuleystay horyaalka waddanka China ee loo yaqaano Chinese Super League taas oo shan dhibcood oo saafi ah ka sare martay kooxda kusoo xigtay.Barcelona oo dagaal ugu jirta inay buuxiso booskii uu banneeyey Neymar, ayaa waxa ay jawaab wanaagsan ka sugaysaa kooxaha Borussia Dortmund iyo Liverpool oo ay ka dooneyso Ousmane Dembele iyo Philippe Coutinho.