Ballon d’Or: Messi Oo Markii Shanaad Ku Guulaystay, Kuna Garaacay Neymar Iyo C. Ronaldo

0
929

Lionel Messi ayaa taariikh cusub ku dhigay ku guulaysiga abaal marinta kubbada cagta ugu qaalisan ee FIFA Ballon d’Or,  ee xidiga aduunka ugu fiican, waana markii shanaad ee uu Messi  ku guulaysto abaal marinta FIFA Ballon d’Or ee 2015  isaga oo abaal marintan ku garaacay Cristiano Ronaldo iyo Neymar  oo la tartamayay.

1

Xidiga afarta jeer ee xidhiidhka ah hore ugu soo guulaystay FIFA Ballons d’Or ee Lionel Messi ayaa markiisii shanaad hantiyay abaal marinta shaqsiga ah kadib markii uu  soo qaatay sanad cajiib ah oo uu kooxda Barcelona ka soo caawiyay saddexdii koob ee ay xili ciyaareedkii hore u tartamaysay iyo waliba laba koob oo ay xili ciyaareedkan ku gulaysatay.

Wuxuuna Messi kooxdiida Barca ka caawiyay in ay ku guulaysato koobabka kala ah La Liga, Copa Del Rey, Champions Leaque-ga halka uu xili ciyaareedkana horseed ka ahaa in Barca ay ku guulaysato UEFA Super Cup iyo koobka kooxaha aduunka ee Club World Cup-ka.

Messi  ayaa La Ligaha ka dhaliyay xili ciyaareedkii hore 43 gool isaga oo waliba sameeyay 23 gool oo uu asxaabtiisa ku caawiyay, halka uu Champions leaque-ga ka dhaliyay 10 gool iyo lix gool oo uu sidoo kale caawiye ka noqday. Messi ayaa hore ugu soo guulaysatay abaal marinta Xidiga Yurub ugu fiican oo uu kaga soo adkaaday Suarez iyo Ronaldo.Messi ayaa markan urursaday abaal marintiisii shanaad ee Ballon d’Or.

Messi ayaa goolal ka dhaliyay faynalkii UEFA Supper Cup, Copa Del Rey, Club World Cupka iyo kulankii ay Barcelona ku qaaday  La Ligaha ee ay guusha muhiimka ah ka  gaadhay kooxda Atletico Madrid. Waxa kale oo Messi intaas u dheerayd in uu xulka qarankiisa Argentina la soo gaadhay faynalkii Copa America 2015 ee lagu qabtay dalka Chile.

Ugu danbayn Messi ayaa markale taariikh cusub ka dhigay Ballon d’Orka oo uu markii horeba ahaa xidigii ugu horeeyay ee abid afar jeer oo xidhiidh ah ku guulaystay, Messi ayaa sanadkan ahaa xidigii ugu cad cadaa waxaana taas markan muujiyay codka la dhiibtay oo uu Messi aad ugu horeeyay.