Bahda Qareenada Somaliland Oo Farriin Adag U Diray Madaxweyne Siilaanyo

0
643

Picture5Hargeysa(Geeska)-Ururka qareenada Somaliland ayaa xukuumadda ugu baaqay in karaamadii bahda cadaalada la soo celiyo,waxaanay canbaareeyeen xadhig loo gaystay garyaqaan Cali Siciid Jaamac oo gobalka Sanaag u qaabilsan ururka qareenada.

Waxa ay masuulyiinta ururka qareenada oo warbaahinta la hadlay ay xukuumadda ku canaanteen in xukuumaddu ay nidaamka sharci ku soo celiso gobalka Sanaag iyo guud ahaan dalka,iyaga oo u soo jeediyay madaxweynaha iyo gudida cadaaladaba in gudi loo saaro arimaha dhanka garsoorka la xidhiidha ee ka dhacaaya gobalka Sanaag.

Gudoomiye ku xigeenka ururka qareenada  garyaqaan Xasan Cali Xasan oo ugu horayntii halkaas ka hadlay waxa uu sheegay“Garyaqaan Cali Siciid Jaamac oo u qaabilsan ururka qareenada Somaliland gobalka Sanaag ayaa lagu tacadiyay xuquudiisii iyo xuquuqda dadkii uu matalaayay ee uu difaacayay, arintaas waxaanu u aragnaa fal danbiyeed  aad u xun oo aan shaqsiyada qareenka ku koobnayn, taas oo saamaynaysa dhamaan umadda, waayo qareenku waxa uu difaacayay dad muwaadiniin ah oo aan iska bixin karin  dhaqaale ay qareen ku qabsadaan.Waxa sanadadan u danbeeyay aad moodaa  inay isa soo tarayaan tacadiyo badan oo ka dhan ah  bahda garsoorka oo ay ugu badan tahay xadhig la xidho, oo sidaad ogtihiin guddoomiyaha ururka qareenada ayaa hore loo xidhay, garyaanka aynu ka hadlayno ee Cali waxa lagula kacay jidhdil dhawr bilood ka hor iyo garsoorayaal hada ku xidhan gobalka Sanaag, waana wax inagu cusub Somaliland ahaan, in qareenada sidaas loo xidhaa way inagu cusub tahay in garsoore la xidhaana waligeed mabay dhicin. Waxaynu  ugu baaqaynaa in karaamadii garsoorku uu lahaa ay xukuumaddu soo celiso, waxa kale oo aanu ugu baaqaynaa haayadaha xuquuqul iinsaanka ee caalamiga ah inay dhacdadaas diiwaangaliyaan,waanuna canbaaraynaynaa.”

Garyaqaan Xuseen Shabeel oo isaguna dhankiisa halkaas ka hadlay ayaa yidhi“Waxaanu canbaaraynaynaa falkaas tacadiga ah ee loo gaystay garyaqaan Cali Siciid oo aan ahayn markii koowaad ee tacadiyo caynkaas ah loo gaysto bahda garsoorka iyo qareenadaba, waxaanu ugu baaqaynaa xukuumadan iyo madaxweynahaba in karaamadii bahda cadaalada  halkeedii lagu soo celiyo, iyada oo aad mood in sanadahan u danbeeyay ay faraha ka sii baxayso.hadii ay bahda garsoorku meesha ka baxdo waxaynu ognahay in dhamaan dawladnimadu ay meesha ka baxayso.”

Guddoomiyaha ururka qareenada Somaliland Foosi Sheekh Yoonis Xasan ayaa isaguna dhankiisa waxa uu soo jeediyay baaqan“Waxaanu bulshada,xukuumadda,gudida cadaalada  iyo haayadaha sharcigaba u sheegaynaa in aanu nidaamka sharcigu ka shaqayn gobalka Sanaag. Haddii aan sharciga lagu kala danbayn oo laysku ixtiraamin nina nin ka xoog weynaan maayo, dawlada ayay dan u tahay in dadku sharciga ku noolaado oo kuraastii dalka ugu mudnaa dawlada ayaa ku fadhida,iyada ayaa markaas wax ku waayaysa,xukuumadda masuuliyad ayaa ka saaran gobalka Sanaag in nidaamka sharciga laga dhaqan galiyo, dhacdooyin badan ayaa iska soo wada daba dhacaaya, waxaanu baaq ugu soo jeedinaynaa madaxweynaha iyo xubnaha gudida cadaaladaba in gudi arintaas gobalka Sanaag loo saaro.”

 

d;??-el????text-align:justify;text-justify: inter-word'>Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay xog-haya guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur-Cade waxaana uu yidhi“Horta xisbiga Waddani arinkaas is qabsiga caado uma laha sida asxaabta qaarkood  ilaa urur nimadiisii ilaa maanta oo uu xisbi yahay caado uma laha arinkaas is qabsi iyo murankaba,waad la socotaan oo xisbiga Waddani wali laba qof oo wax isku qabsaday ma jiraan waa ladoodaa cid walibana rayigeeda ayey dhiibataa lakiin waxa is qabsi ah ma jiraan.”

 

Mustafe Cabdilaahi Jaamac oo ka mid ah hogaanka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa isaguna dhankiisa halkaas ka yidhi “Sida la idiin sheegay hoggaanka xisbiga Waddani waa midaysan yahay, waxa khilaaf ah oo aanu ognahay oo dhexediisa ka jiraana ma jiraan, waxaana xisbigan u caado ah inuu hab dimiq-raadi ah talada dhex taala u kala qaybsado haday shirarkiisa tahay heer hogaan iyo heer gole fulineedba markaas waxa weeyaan oo aanu ognahay oo aanu aad ula yaabnay ilaa xalayto in ay xukuumaddu dabad ka riixaysay saxaafada qaar ka mid oo ay tidhi buun buuniya.”