Bahda Garsoorka Oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Ku Eedeeyay Inay Farogelin Qaawan Ku Hayaan Iyo Wasiir Ay Si Toos Ah Tooshka Ugu Shideen

0
772

Picture9Hargeysa(Geeska)-Bahda garsoorka ee Somaliland ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay farogelin ku hayso waaxda garsoorka iyo dacwadaha maxkamadaha dalka yaala. Waxaanay soo bandhigeen qoraal uu mid ka mid ah wasiirada madaxweyne Siilaanyo maxkamadda ku amrayo inay faraha ka qaado dacwad ay gacanta ku hayso.

Guddoomiyaha maxkamadda rafcaanka iyo guddoomiyaha maxkamadda gobalka Hargeysa Cabdirashiid Duraan iyo Faysal Cabdillaahi Cali iyo Garsoore Xuseen Belel ayaa si kulul uga hadlay shirkaas jaraa’id. Guddoomiyaha maxkamadda gobalka Hargeysa Faysal Cabdillaahi, ayaa sheegay inay xubno wasiiro ahi farogelin toos ah ku hayaan garsoorka iyagoo maxkamadaha ka codsada inay sii daayaan dadka dacwadaha lagu oogayo. Bahda garsoorku wasiirada ay soo bandhigeen inay farogelin toos ah ku hayaan waxa ka mid ah wasiir ku xigeenka amniga Cabdillaaho Abokor Cismaan oo ay halkaas ka akhriyeen warqad amar ah oo uu u soo qoray, taas oo ay sheegeen inuu u doodayo fal tuugo ah. Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha maxkamadda gobalka Hargeysa Faysal Cabdillaahi, waxaanu yidhi  “Garsoor la caayayo oo la dhaliilayo ayuun baad arkaysaa,hawgu darnaadaan sawiradii dawladu,kuwa aanu khaatiyaan ka taagnahay ee qofkii la soo xidhaba sii daaya leh waa wasiiradii dawlada, haddii uu tuug noqdo,hadduu dhaawac noqdo,afar iyo labaatanka saacadood kuwa leh sii daaya waa wasiiradii dawlada,ninka wax dulmiyaana waa nin wasiir haysta, saxaafad iyo suldaan haysta oo madaxtooyada gali kara oo been sheegi kara  oo loo heelan yahay.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi  “Marka sidaas kiiska loo qabto ayaa la odhanayaa ninka kiiska hayaa waa qoloma, markaasuu reerkooda noqon waayayaa,markaas ayaa la odhanayaa gabadhiisu waa qoloma markaasu reerkooda noqon waayayaa,markaas ayaa la odhanayaa walaaladii ma garanaysaan, waxa la odhnayaa yay isku reer yihiin markaasuu kii kula soo hadlayaa, xildhibaankaagiibaa loo tagayaa,suldaankaagii ayuu doonanayaa, ninka xaqa leh cidna kuma soo xoqdee halkaas ayuu marayaa.”

Guddoomiyaha maxkamadu gabalku, isagoo ka hadlaya wasiirada farogelinta ku haya garsoorka wuxuu yidhi “Waxa jira niman wasiiro ah oo tuug u hadlaaya, oo ku leh hebel maxaa loo xidhay,markuu qofkii dantii uu lahaa gaadhi waayana waxa uu leeyahay garsoorkii laaluush ayuu qaadanayaa.,meesha ay wasiiradu ku fadhiyaan waa meeshaas maxkamadaas yar ee aan gaadhi lahayn ee aan kursi la dhigin ee aan rinji la marin,cid maxkamadan wax u qabataa ma jirto. Garsoorayaashaas aad arkaysaan iyaga oo hadda dil xukumay ayay hadana dadkii iyo tuugiiba baska la raacayaan, waxay u godabaysan yihiin dalka gaadhina ma haystaan ee wasiirkan la ilaalinayaa maxuu dalka u qabtaa. Nin aan waxba ogayn ayaa meeshaas aad arkayso tilfishanka ka dhaleecaynaaya, ma garanayno meel ay miisaaniyadayadu qabato,cid eegta oo danaysaana ma jirto,kaalay wasiirka fadhiiso kurigan bal inaad saacad  fadhido,wasiirku dhuuni ayuu dalka u joogaa mana godoboobo.”

Guddoomiyaha maxkamadda rafcaanka Cabdirashiid Duraan, ayaa isna yidhi “Sanadkii dhamaaday dacwadaha maxkamadaha Hargeysa oo kaliyaata soo galay 5800 oo dacwadood weeye,waxa dhamaaday 4800 oo dacwadood,ninka intaas dhameeyay marka dadkii uu xukumay la kala qaybiyo ee ay intii wax laga xukumay tidhaahdo cadaalad daro ayaa jirta ee ay maxkamadii caayayaan,waxay ahayd in la yidhaahdo maxaad ku ogaatay.”

“Cidan cadaalada dhaliilaysaa waa inay ugu horayn iyadu wax u qabataa, xukuquuqda iyo musharaka loo kordhiyaa, oo kaaliyayaasha aqoontooda sare loo qaadaa oo qalabka lagu shaqaynaayo la hagaajiyaa,qolkaas yar ayaanu fadhinaa oo layska dabo sugaa,anigu waxaan leeyahay maxkamadii way shaqeeyaan cadaalad ayay soo saaraan, cadaaladaas cidbaa ku qanci wayda cidaaasuna waa ay caayaysaa, in cayda laga daayo ayaanu u baahanahay.”

Garsoore Xuseen Belel, ayaa isagu wuxuu soo bandhigay oo uu akhriyay warqadda uu u soo diray wasiir ku xigeenka amniga Cabdillaahi Abokor, waxaanu garsoore Belel uu yidhi  “Waxana ku darayaa farogalinta ay xukuumaddu ku hayso garsoorka,garsoorku waa uu madaxbanaan yahay waa layska yidhaahdaa ee faraha ayaa lagula jiraa,warqada halkan taala waxa soo qoray wasiir ku xigeenka amniga Cabdillaaho Abokor ,waxa ku taala waa inaad wareejisaa galdacwadeedkaas oo garsoore ayuu amrayaa,waxa uu ka hadlayaa waa nin ku eedaysan dacwad tuugo ah, waxa ku saxeexan wasiir ku xigeenka amniga Cabdilaahi Abokor, hadaan warqadaas idiin akhriyo waxa uu leeyahay wasiir ku xigeenkaasi.

“Si loo ilaaliyo nabadgalyada iyo deganaashaha waxaanu ku faraynaa,inaad hawshaas u dayso gudida dacwadaha dhulka ee dawlada hoose  oo awood u leh ka garnaqida iyo khilaafka dhulka.”

Xeer lanbar 17 ayaa ka hadla dhulku  waxa uu yahay,dacwada uu ka hadlayaana maaha dhul ee waa tuugo,wasiirkaasu uun maaha ee isagu warqad ayuuba soo qoraye qaarbaa caadaystay intay tilifishanka soo fadhiistaan iyaga oo qoray buugaag cadaalada ka hadlaaya haddana maalin walba tilifishanka ka caytama, anagu caytami maymo oo dhawrsoonaan ayaanu leenahay,waxaana waajib nagu ah in aanu shaqada qaranka qabano,si wacana oo hufnaan iyo cadaalad ah u qabano,cina u habran mayno, wasiir iyo cid ka saraysana ma caashaqsanin,cida leh cidbaa ila gorgortantay iyo cida leh cidbaa lacag qaadanaysa hala soo bandhigo,waxqabadkayagana waanu soo bandhigaynaa,garsoorkuna waa uu is xorayn doonaa oo maalin walba wasiir na caayimaayo.”

Qareen Maxamed Siciid, ayaa isna yidhi  “Wasiirka yidhaahda garsoorku waa uu xun yahay waa qaran ma jiro,madaxweynaha ayuu caayayaa ma garanayno waxa uu u haysto inuu iska eryo ayay ahayd kaas. Haddii dhibaato iyo dhaliili ka jirto garsoorka xukuumadda ayaa leh, waayo ma madaxbanaana oo faro galin ayuu ku jiraa,saacad walba dawladii ayaa soo faro galinaysa. Ma mudna garsooraha qaranka u godoboobaaya ee waxaas oo dhibaato ah u galayaa in la caayo iyada oo tilifishanka qaranka uu ka bajad badan yahay maxkamadaheena oo dhan,xukuumaddu inay saddexda waaxood cadaalad u samayso ayay ahayd.waxaan aad ula yaabay dhawaan nin wasiir ah oo ka cabanaaya garsoore ayaa wax xidhay, waa nin ka cabanaaya basbaas ayaa kulul,garsooraha shaqadiisa ayaa ah oo subax walba waxa uu u yimaadaa inuu wax xidho iyo inuu wax sii daayo,wasiirka gudaha ayaa soo fadhiistay oo yidhi waxbay siinayaan maxkamadii qarankeena oo dhan ayay ceebtaasi ku tahay.”