Badhasaabka Togdheer Oo Sheegay Inaanay Diiwaangelintu U Baaqanayn Shuban-biyoodka Burco Ka Jira

0
560

Hargeysa(Geeska)-Badhasaabka gobalka Togdheer Maxamuud Cali Saleban (Ramaax), ayaa meesha ka saaray in shuban biyoodka ka dilaacay Burco uu baajin karo hawsha qaybinta kaadhadhka cod bixiyayaasha oo dhawaan ka bilaabmaysa gobalkaas.

Badhasaabka oo u waramay telefishanka Star, wuxuu sheegay inay arkayaan in hawshii shuban biyoodka ay dabiibeen 60% islamarkaana ay maalinba maalinta ka dambaysa soo yaraanayso dadka uu xanuunkaasi soo ritay, waxaanu yidhi “Anuu taas ma qabo, Komishankii haddaba way joogaan, hawlahoodiina si caadiya ayay u wataan, waxaanan filayaa inta ka horaysaba inaan ka bogsano, maantaba 60% ayuu hoos u dhacay xanuunkii, maalinba maalinta ka dambaysan inuu inaga soo gebageboobo ayaanu rajaynaynaa. Hawshaasi [kaadhadh qaybintu] hawl baaqanaysa maaha.” ayuu yidhi Ramaax.

Waxa jira walaac isa soo taraya oo tilmaamaya in haddii uu xanuunku ka sii socdo Burco oo aan xal loo helin ay suurtogal tahay in dib u dhac ku yimaado hawsha kaadhadh qaybinta, laakiin waakan badhasaabka Togdheer sheegaya in xanuunku sii yaraanayo.