Badhasaabka Gabiley Oo Ka Hadlay Muranka Dhuleed Ee Allaybaday Iyo Arabsiyo

0
582

Picture1Hargeysa(Geeska) –Badhasaabka gobalka Gabiley Md. Yuusuf Ibrahim Geedi, ayaa ka hadlay muranka dhuleed ee u dhexeeya degmooyinka Alaybaday iyo Arabsiyo oo ka wada tirsan gobalka Gabiley, kuwaas oo ku muransan dhul.

Badhasaabka oo shalay warbaahinta qaarkeed u waramay, wuxuu sheegay inuu diyaariyay xal u helista murankaas oo uu la sugayo soo laabashada wasiirka arrimaha gudaha oo safar dibadda ah ku maqan.  “Degmada Arabsiyo waxa degmo ahaan loo aqoonsaday 2008-dii, waana Degmo Darajada  D ah, Alaybadeyna wax degmo laga dhigay  2002 waana Heerka D, mid waliba sharciga xeer 23 ayaa khuseeya oo sheegaya in anay 5 Killo mitir  isku dhaafi Karin, hasayeeshe dabacsanaan ay alaybaday Gabiley u siisay oo tuulooyin badan u daysay, ayaa isku keenay.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu badhasaabku yidhi, “Hawshaasina waan dhammeyey wasiirkan waan la sugayaa, warqadan waan ka soo qoray inta la kala xadeynayo, degmooyinkii cusub ee D ahaa ee la bixiyey inaanay dhulkaasi isku qabsan Karin wax muran ahna laga sameyn Karin.”

Qaar ka mid ah odayaasha Arabsiyo ayaa shalay eeddo u jeediyay badhasaabka Gobalka Gabiley.