Badhasaabka Awdal Oo Soo Jeediyay In Laga Feejignaado Xanuunka Shuban Biyoodka

0
552

Hargeysa (Geeska)-Badhasaabka Gobolka Awdal Mustafe Ciise Aadan (Mustafe Shiine), ayaa ka hadlay Shuban Biyoodka ka dilaacay deegaano ka tirsan Somaliland, gaar ahaan Magaalada Burco, oo dadna u dhinteen, dadna uu soo ritay, oo xaaladooda caafimaad lala talaacayo, waxaanu ku taliyey in aad looga feejignaado wax walba oo keenay xanuunkan, waxaanu ku talyiey in Biyaha la nadiifiyo, in goobaha biyo fadhiisinka ha la aaso, in biyo sifeeye la isticmaalo.

Badhasaabka Gobolka Awdal Mustafe Ciise Aadan (Mustafe Shiine),oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in iyagu ka gobol ahaan Cudurkan ka hor tageen oo ay la tacaaleen, si aanu u fidin, waxaanu yidhi ugu horeyn “Dhulka ay biyuhu fadhiyaan in lagu shubo nuurad iyo wax la mid ah weeye, in Biyaha Ceelasha Kolariin lagu rido, dadka loo qaybiyo biyo sifeeye, sadeexaad arimood haddii xooga la saaro, xal baa loo helayaa shuban biyoodka, mida kale waa in Magaalooyinka qashinka laga guraa, sida aanu anagu sameeynaya, waa in Meelaha Biyuhu fadhiyaan ee Magaaladana la aasa, waa in dadka uu Shuban Biyoodku ku dhacay si deg deg Dhakhtar loo keena, waa in Guriyihii laga keenay la tagaa, oo la soo buufiyaa, dadkuna waxay u baahan yihiin in wacyigelin aad u balaadhan la siiyo, haddii dadka la baro nadaafada iyo inay falaxashaan xanuunka waa laga adkaan karaa,dadkuna waxay u baahan yihiin in la siiyo fariimo caafimaad”.