Badar (Hadhuudh) Badan Oo La Cunaa Waxa Ay Yaraysaa Khatarta Cudurrada Wadnaha Ku Dhaca Iyo Dhiig Karka

0
740

1Hargeysa (Geeska)- Toban baadhitaanno caafimaad ah oo siyaabo kala duwan marar kala duwan loo sameeyey ayaa dhammaantood isaga marag kacay in cunista badan ee cuntooynka firiga leh ama badarka loo yaqaanno oo ay ka mid yihiin qamandiga, hadhuudhka, gallayda iwm, in ay si muuqata hoos ugu dhigto khatarta wadne xanuunka, cudurrada ku dhaca xididdada dhiigga iyo Kansarka.

Dr. Chi Sun oo bare-sare ka ah jaamacadda Harvard isla markaana kormeerayey cilmibaadhisan kala duwan ayaa isaga oo ka faalloonaya natiijadan soo baxday waxa uu yidhi, “Natiijadani waxa ay xoojinaysaa, talooyinka cunto ee hadda jira oo marka horeba caddeeyey muhiimadda ay leedahay in qofku uu maalin kasta cuno ugu yaraan 48 Giraam oo ah cuntooyinka firiga leh, si uu u wanaagsanaado guud ahaan caafimaadkoodu”

Natiijada cilmibaadhisan uu Geeska Afrika soo turjumay oo lagu faafiyey majaladda Circulation oo ay leedahay jimciyadda cudurrada wadnaha ee dalka Maraykanka ayaa muujinaysa in u dhimashada cudurrada aynu kor ku xusnay ay hoos u dhacday boqolkiiba 22 dadka cuna 70 Giraam oo badar ah maalin kasta, marka la barbar dhigo kuwa aan cunin” Digtoorku waxa uu intaas ku sii daray in sidoo kale ay boqolkiiba 23 yaraadeen dadka u dhinta wadne xanuunka iyo cudurrada xididdada dhiigga ku dhaca, halka ay boqolkiiba 20 hoos u dhacdo tirade dadka qaba Kansarka.

Natiijadan ayaa la gaadhay markii baadhis dheer oo cilmiya ay cilmibaadhayaal ka socda jaamacadda Harvard ku sameeyeen natiijada in ka badan 12 cilmibaadhisood oo lagu sameeyey Maraykanka, Ingiriiska iyo dalal ka mid ah Iskandaneefiyaanka intii u dhexeysay 1970kii illaa 2010kii, tijaabooyinkeedana ay ka qayb galeen in ka badan 786 kun oo ruux.

Cilmibaadhiso hore ayaa iyaguna daahfuray in badarku uu yareeyo khatarta ah in ay qofka ku dhacaan cudurrada wadnaha iyo macaanka noociisa labaad, isla markaana ay yaraato khatarta ah bakteeriyada ku jirta caloosha nooceeda khatarta ahi. Cilmibaadhayaashu waxa ay tilmaameen in badarka ay ku jiraan maaddooyin badan oo caafimaadka u fiican, jidhkana firfircooni geliya, sidoo kalana ay yarayso soo saarista jidhka ee Kalastaroolka. Ugu dambayntiina waxa ay khubaradu ku taliyeen in qofku uu maalintii cuno ugu yaraan 16 giraam oo ah badar.