Baarlamaanka Xamar Oo Mooshin Ka Keenay Heshiisyada Uu Farmaajo La Galay Itoobiya & Ereteriya

2
1643

Mudanayaal ka tirsan xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa mooshin ka keenay heshiisyadii iyo is-afgaradkii uu madaxweyne Farmaajo la galay dawladaha Itoobiya iyo Ereteriya.

Tirada xildhibaanadan gudbiyay mooshinka ayaa dhan 10-xildhibaan waxaana ay sheegeen in ay walaac ka qabaan Heshiisyada is afagarad ee uu madaxweyne Farmaajo la galay dowladaha Shisheeye.

Waxa ay sidoo kale tilmaameen  in si deg deg ah loogu baahan yahay heshiisyadadaasi in ay dood ka yeeshaan xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Heshiisyada iyo is-afgaradyada uu galay madaxweyne Farmaajo waxaa qeyb ka ah kuwo uu la galay dowladaha Ethiopia,Ertrea iyo Kenya waxaana warqadda mooshinka xildhibaanada ku xusnaa is-afgarad iyo heshiisyo uu la galay Farmaajo dowladaha Ethiopia iyo Eritrea.

Farmaajo, ayaa dhawaan wuxuu eeddo u jeediyay siyaasiyiin aanu magacaabin oo uu sheegay inay ka soo horjeedaan heshiisyada uu la galay Itoobiya iyo Ereteriya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here