Baarlamaanka Soomaaliya Oo Diyaariyay Mooshin Ka Dhan Ah Raysalwasaaraha Iyo Siyaasadaha UAE Iyo Qatar Oo Laga Dhex Akhrisanayo Xildhibaanada

44
4417

Muqdisho(Geeska)-Mooshin codka kalsoonida loogu qaadayo Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa si abaabulan uga socda magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Mooshinkan oo ay diyaariyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, ayaa la aaminsanyahay inuu jawaab u yahay mooshin ay shalay xildhibaano ka gudbiyeen guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Mooshinkaas oo fashilmay ayaa waxa xildhibaanada saxeexay ay u badnaayeen golaha wasiirada ee xukuumadda Raysalwasaare Xasan Cali Khayre. Mooshinkan codka kalsoonida loogu qaadayo raysalwasaaraha iyo xukuumadiisa ayaa la filayaa in baarlamaanka la soo dhigo toddobaadka soo socda, waxaana si weyn uga shaqaynaya guddoomiyaha Baarlamaanka oo isagu shalay ka badbaaday mooshinka uu raysalwasaaruhu soo hindisay.

Sababaha fashiliyay mooshinka ka dhanka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka ee shalay ayaa ahayd kadib markii lagu guul-dareystay buuxinta tirada iyo saxeexyadii loo baahnaa oo ah 92 Xildhibaan. Tirada xildhibaanada saxeexay mooshinkan oo markii hore lagu sheegay 107 Xildhibaan ayey 16 Xildhibaan ka noqdeen Mooshinka, waana sababta fashilisay.

Mooshinka fashilmay ee ka dhanka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka iyo mooshinkan cusub ee la abaabulay ayaa la aaminsanyahay inay la xidhiidhaan xiisadda wadamada khaliijka gaar ahaan khilaafka dalalka Imaaraadka Carabta iyo Qatar. Guddoomiyaha Baarlamaanka Mr. Jawaari ayaa la sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaarihiisa kula taliyay inaanay si laab-la-kac ah ula kala safan Imaaraadka iyo Qatar ee ay raacaan hadba, halka ay danta Soomaaliya ku jirto, waxaanu soo jeediyay sida ay warbaahinta Muqdisho baahisay in haddii cid la taageerayo ay Soomaaliya taageerto Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga.

Laakiin Madaxweyne Farmaajo iyo raysalwasaarihiisa ayaa u muuqda inay ka gaws-adaygeen soo jeedinta guddoomiyaha Baarlamaanka, waana sababta keentay mooshinadan iska soo horjeeda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here