Baarlamaanka Somaliya Oo Ku Hawlan Mooshin Ay Ku Joojinayaan Mirooga Kenya

0
672

Picture6Nayrobi(Geeska)-Baarlamaanka wadanka Somaliya ayaa ku hawlan hirgelinta mooshin ay ku dalbanayaan in la mamnuuco in jaadka Mirooga ee Kenya la geeyo wadanka Somaliya.

Waxa ay Kenya sannadkii Somaliya gaysaa saddex milyan oo Kiiloogaraam oo qaadkaas ah, kaas oo ugu fadhiya qiimo weyn.

Wargeyska The star ee ka soo baxa wadanka Kenya ayaa shalay baahiyay in mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya uu diyaariyay mooshinkaas kaas oo uu u helay taageero badan, waxaana la sheegay inuu kaga jawaabayo tacadiga ay dawladda Kenya kula kacday dadka Somalida ah ee wadankeeda qaxoonti ahaan u jooga. Xildhibaankan oo uu Wargeysku ka cudur daartay inuu magaciisa baahiyo, waxay sheegeen inuu degenyahay magaalada Nayrobi ee wadanka Kenya, halkaas oo hoy u ah inta badan siyaasiyiinta Somaliya. “Somaliya waa inay Kenya u tixgelisaa wadan uu xidhiidh ganacsai ka dhexeeyo oo muwadinteeda la tixgeliyaa.” Ayuu xildhibaanku ku yidhi jariiradaas.

Talaabadan ayaa haddii ay Baarlamaanka Somaliya ansixiyaan waxa ay dhaawici doontaa dhaqaalaha Kenya oo uu wadanka Ingiriisku hore u joojiyay jaadkii ay u diri jireen. Sidoo kale wuxuu dhaawici doonaa xidhiidhka labada wadan ee Kenya iyo Somaliya.