Baarlamaanka Ingiriiska Oo Soo Saaray Warbixin Muujinaysa In Farmaajo Ku Fashilmay Soomaaliya

31
4161

Hargeysa(Geeska)-Baarlamaanka dalka Ingiriika ayaa warbixin ka soo saaray xaaladda dalka Soomaaliya iyo weliba xidhiidhka ay Soomaaliya la leedahay Somaliland oo sii xumaanaya.

Warbixintan oo soo baxday 27 March, waxa ay ka dardaar werisay xaaladda Soomaaliya oo ay tilmaantay inay sii xumaatay, waxaanay warbixintu banaanka soo dhigty caqabadaha soo waajahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ee faashilka ku keenay qorsheyaashiisii siyaasadeed iyo rajadii laga qabay markii la doortay.

Soomaaliya

Warbixintu waxay sheegtay in Farmaajo markii la doortay uu waajahay caqabad uu sidoo kale waajahay ninkii ka horeeyay ee Xasan Sheekh Maxamuud taas oo ahayd midaynta nidaamka federaal ee Soomaaliya oo beryahan socday “Farmaajo ilaa hadda horumar yar ayuu ka sameeyay arrintan. Meeqaamka maamul goboladeedyadu weli waa ku meelgaadh kala qaybinta awoodaha iyaga iyo dawladda dhexena weli ma cadda. Waxa jira dareeno u dhexeeya Muqdisho iyo maamul gooleedyada.” ayay warbixintu tidhi.

Warbixinta uu soo saaray baarlamaanka Ingiriisku waxay sheegtay in Farmaajo ay caqabad kale ka soo waajahaday qabiilka Abgaal ee Hawiye oo aaminsan in qof ka soo jeeda lagu bedelo raysalwasaare Xasan Cali Khayre. “Farmaajo oo ka soo jeeda qabiilka Daaroodka ayaa sidoo kale waxa ay caqabadi ka haysataa qabiilka awooda badan ee Abgaal oo ah Hawiye kuwaas oo dareensan inaanay cidi ugu jirin dawladiisa. Qaarkood ayaa gaadhay inay ugu baaqaan in la bedelo Rayalwasaarihiisa Xasan Cali Khayre oo lagu bedelo mid iyaga ka soo jeeda.” ayay tidhi warbixintu, waxay warbixintu intaas raacisay in dhawr jeer mooshin ka dhan ah Farmaajo sannadkii 2017 ay siyaasiyiin mucaarad ahi isku dayeen laakiin aanay ku guulaysan. “Laakiin Raysalwasaare khayre” ayay warbixintu tidhi “Ayaa dabada ka riixaya hadda mooshin ka dhan ah guddoomiye Jawaari. Reer galbeedka iyo dawladaha Afrika ayaa walaac ka muujiyay qalalaahasaha siyaasadeed ee Soomaaliya ee sare u socda. Dano shisheeya ayaa iyaguna sii cakiray muuqaalka siyaasadeed. Qaar ka mid ah daalka gacanta Carabta ayaa ku mashquulsan inay kor u qaadaan saamayntooda, iyagoo qaarkood maalgelinaya siyaasiyiin Soomaali ah.”

Warbixintu waay sheegtay in dalalka Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiguba ay qayb ka yihiin caqabadaha siyaasadaha Soomaaliya. Doorkii ay dawladda Farmaajo ka qaadatay xiisadda gacanka ee ahayd dhexdhexaadka ayay warbixintu sheegtay inay Soomaaliya iyo Farmaajo u soo jiiday in laga aarsado, , “Iyadoo laga aarsanayo waxay joojiyeen dhaqaalihii ay ku taageeri jireen miisaaniyadda dawladda Soomaaliya. Laaiin dawlad goboleedyada qaarkood ayaa la saftay Sucuudiga iyo UAE.” ayay tidhi.

Warbixinta Baarlamaanka Ingiriisku waxay soo xigatay warbixin qiimayn ah oo ay Africa Confidential soo saartay January 2018 taas oo ay ku sheegtay in Mr. Farmaajo aanu horumar ka samayn wax ka qabashada ammaanka. “Ilaa 2016 ka dib sannado dhawr ah oo dagaalo ah oo ay ku lumisay gacanta ku haynta deegaano dhawr ah oo muhiim ah, Al Shabaab waxay kor u qaaday fulinta weeraro ka dhaca Muqdisho iyo dhulka miyiga.”

Waxaanay xustay in Al Shabaab ay dib u soo ceshatay deegaano muhiim ah oo koonfurta Soomaaliya ah islamarkaana  ay ka taliso dhulka u dhexeeyo magaalooyinkaas. “Al Shabaab waxay fulisay weerarkii ugu dhimashada badnaa bishii Oktoobar 2017 markii ay laba baabuur qarxeen oo ay ku dhinteen dad lagu qiyasay 512 ruux oo badankoodu shacab ahaa. Weerarku wuxuu keenay mawjado shacab ah oo ka cadhaysan Al Shabaab oo casimadda ah. Waxase iyaguna jiray niyad jab ah ah waajibaadka dawladda Soomaaliya. Warbixintani waxay xustay inkastoo ay Al Shabaab dhammadkii 2017 u muuqatay mid gaabis ah haddana inay laga soo bilaabo bishii January ee sannadkan 2018 fulisay weeraro ba’an oo badankoodu dhacay bishan March.

Warbixintu waxay sheegtay, inkastoo ay dalalka reer galbeedku weli sii wadaan taageerada Farmaajo haddana inay kalsoonidaasi sii lumayso, “Dawladaha reer galbeedka, iyagoo weli sii wada taageerista farmaajo, laakiin rajadoodii ayaa u muuqata inay sii wiiqmayso. December 2017 dawladda Maraykanka ayaa joojisay taageeradii ay siin jirtay ciidanka milatari iyo sirdoonka NISA iyagoo ka cabanaya in si khaldan loo isticmaalay.”

Warbixinta waxa kale oo ay sheegtay in la dagaalanka musuqa oo uu Farmaajo aad ugu ololeeyay markii la dooranayay, haddana inay jiraan eedo musuqmaasuq oo maamulkiisa ka dhex jira. Soomaaliya ayaa weli dunida kaga jirta kaalinta 1aad ee musuq maasuqa.

Somaliland

Warbixintan uu soo saaray Baarlamaanka Ingiriisku waxay xoogay ka taabatay xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya oo ay tilmaantay inuu hoos u dhacay, waxaanay sheegtay inaanu Farmaajo ilaa hadda ku guulaysan inuu xoojiyo xidhiidhka Somaliland “Madaxweyne Farmaajo ilaa hadda guul kamuu gaadhin wanaajinta xidhiidhka Somaliland. Ka dib dhawr dib u dhac, Somaliland waxay november qabatay doorashadii madaxtooyada, waxaana ku guulaystay Muuse Biixi Cabdi oo ka socda xisbiga KULMIYE. Cabdiraxmaan Cirro oo Waddani ka socday oo laga guulaystay ayaa ku andacooday in wax la is dabo mariyay laakiin maxkamadda sare ayaa ansixisay natiijadii. Rabshado dhawr ah ayaa dhacay ka hor iyo ka dib doorashada laakiin madaxda beelaha ayaa sidii waayadii hore door muhiim ah ka ciyaaray dejinta xaaladda.” sidaas ayay warbixintu tidhi.

Warbixintu waxay sheegtay in diblomaasiyiin badan oo uu ku jiro safiirka Ingiriiska Danjire David Concar ay ugu baaqeen Somaliland iyo Soomaaliya inay iskaashadaan haddana inaanay weli muuqan rajo muujinaysa in wada hadaladii hakadka galay ay bilaabmaan “Inkastoo uu safiirka Soomaaliya ee Ingiriiska David Concar iyo diblomaasiyiin kale ay dhawaan ugu baaqeen labada dhinac inay iska kaashadaan sugidda cuntada oo ah arrinta degdeg ah, haddna xidhiidhku wuu sii xumaaday. Ma jiraan muddooyinkan tilmaamo muujinaya in wada hadaladii hore u qabsoomay laakiin istaagay 2015 ay bilaamaan.” ayay tidhi warbixintu.

Warbixintu waxay ka hadashay heshiisyada dhex maray Somaliland iyo UAE ee ku saabsan dekedda Berbera iyo saldhiga miltari iyo sida ay dawladda Soomaaliya uga hortimid in la horumariyo dekedda Berbera  “Bishii March ee 2017, Somaliland waxay ogolaansho u siisay UAE inay saldhig milatari ka samaystaan magaalo xeebeedka Berbera. UAE oo soo dhex maraysa shirkadda qaranku leeyahay ee DP world iyo Itoobiya ayaa qayb ka noqday qorheyeel lagu horumarinayo dekedda Berbera. Dawladda Farmaajo ayaa si cad uga hortimid, waxaanay inay soo dhex galaan ka dalbadeen Jaamacadda Carabta, aqalka baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ansixiyay in la mamnuuco DP world. Dawladda Somaliland ayaa iyaduna dhinaceeda ku adkaystay in arrintani soconayso.”

Warbixintan wuxuu Baarlamaanka Ingiriisku kaga hadlay heshiiskii kal hore dhex maray Somaliland iyo Khaatumo, sidoo kale khilaafaadka ka dhex taagan Somaliland iyo maamulka Puntland ee Soomaaliya ayay warbixintu ka hadashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here