Baarlamaanka Ingiriiska Oo Lagaga Hadlay Aqoonsigii Uu Golaha Sheffield Siiyay Qaddiyadda Somaliland Iyo Jawaabta Laga Bixiyay

0
604

Picture1London(Geeska)-Golaha Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa khamiistii doraad, lagaga hadlay aqoonsigii uu golaha deegaanka magaalada Sheffield ku taageeray qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Xildhibaan Paul Blomfield oo  ka tirsan Baarlamaanka, lagana soo doortay deeganka Sheffield ayaa xildhibaan Andrew Lansley, oo baarlamaanka u qaabilsan isku xidhka xukuumadda ,  wuxuu weydiiyay in dood laga yeelan karo sida ay dawladda Ingiriisku u taageeri karto aqoonsiga Somaliland. Su’aasha uu xildhibaanku weydiiyay masuulka kale, ayaa waxay u dhignayd sidan: “Shalay [Arbacadii], kadib qaraarkii ay ansixiyeen golaha deegaanka ee Sheffield, waxay noqotay magaaladii u horaysay Ingiriiska ee tageerta baaqyada aqoonsiga caalamiga ah loogu doonayo Somaliland. Ilaa 1991, dadka Somaliland waxay horumar weyn ka sameeyeen dhismaha dal xasiloon oo leh Baarlamaan si xor ah loo soo doortay iyo garsoor madaxbanaan. Dood ma ka yeelan karnaa sida ay dawladda Ingiriisku wax badan uga tari karto in ay saamaynteeda bulshada caalamka u isticmaasho in aqoonsi loo helo Somaliland.”

Andrew Lansley, ayaa su’aashaas kaga jawaabay sidan,  “Dabcan, waan ka warqabaa mawduuca uu xildhibaanku soo bandhigay. Wuxuu haystaa fursad uu ugu soo bandhigo arrintan wasiirada, inta lagu jiro su’aalaha salaasada dambe la weydiinayo xafiiska arrimaha arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka, iyo sidoo kale xubnha kale ee laga yaabo in ay danaynayaan Somaliland iyo Somaliya, si gaar ahaan kuwa laga yaabo in ay soo dhoweynayaan horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay sannadahan dhowaa.”

Salaasada ayaa la filayaa inay xildhibaano taageersan qadiyadda Somaliland ay xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka weydiiyaan qaddiyadda Somaliland iyo qaraarka ay golaha Sheffield ku tageereen qaddiyadda Somaliland.