Baaqa Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka Ee Qabsoomida Doorashada Madaxtooyada 13.11.2017.

32
3111

Komishan kaxuquuqda aadamaha qaranku isagoo kaduulay waajibaadkiisa shaqo ee ku xusan xeerka komishanka xuquuqda aadamaha qaranka xeer lam.39/2010 wuxuu sidhaw ulasocoday marxaladihii ay soo martay doorashadda Madaxtooyada lagasoo bilaabo diwaangalintii, kaadh qaybintii, ololihii iyo maalintiidoorshadba.
Komishanku wuxuu bogaadinay dadweynaha Somaliland, komishanka doorashooyinka qaranka, sadexda xisbiqaran iyo ciidamada kala duwaneena badgalayda sidii quruxda iyo qiimaha lahaydee ay uga qaybgaleen hanaankii iyo geedisocodkii qabsoomida doorashdii dunidu bogaadisayee kaqabsoontay Somaliland 13.Nov.2017.
Komishanku wuxuu aad uga xunyahay rabshadihii ka dhacay meelo ka mid ah dalka, kaasoo sababay khasaare naf iyo maalba leh, wuxuuna si tiiraanyo leh uga tacsiyadaynayaa dhamaan cidiiku dhimatay rabshadahaas, wuxuuna Ilaahay uga baryayaa in cidiiku dhaawacantay uu u boogadhayo caafimaad sareecana siiyo.
Komishanku wuxuu halkan baaq uga dirayaa:
Dadweynaha Somaliland
Komishanku wuxuu markele bulshada Somaliland ku bogaadinayaa sidii quruxda badanay dee ay udhiibteen codkii ay xaq u lahaayen si xor ah oo xalaala ah, iyadoo ay waajibtahay in aanay doorashadaa quruxda badan ku gunaanadin qalalaase iyo rabashado, waana in la ilaaliyaa nabadgaleyda iyo xasiloonida.
Xusbiyada Qaranka
Komishanku wuxuu masuuliyiinta saddexda xusbi qaran ugu baaqayaa inay dadka iyo dalkaba u tudhaan oo ka ilaaliyaan hadalada iyo ficilada keenikara kicinta shacabka, sidoo kale wuxuu komishanku ugu baaqayaa in wixiitabasho ah ee ka yimaada doorashada ay si turxaanla’aan ah oo Isfahan ku dheehanyahay loogu dhameeyo.
Ciidamada Nabadgelyada Qaranka
Komishanku wuxuu ogsoonyahay culayska saran ciidamada kala duwan ee qaranka iyo hawsha mugaleh ee ay qaranka u hayaan, sidaasoo ay tahay hadan wuxuu komishanku ugu baaqayaa ciidamada inay u tudhaan dadkooda oo ilaaliyaan shuruucda iyo xuquuqda bulshada oo aanay adeegsan xabad nooloo shicibka loo adeegsado.
Wa bilaahi Tawqiiq
KOMISHANKA XUQUUQDA AADAMAHA QARANKA JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here