Baanka Dhexe Oo Sheegay Qorshe Ay Ku Jabinayaan Sicir Bararka Dadka Saameeyay

0
631

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha baanka dhaxe ee Somaliland Maxamed Cabdi Ibraahin, ayaa daboolka ka qaaday lacag doolar ah oo ay ku sii daayeen suuqa sarifka ee dalka.

Waxa uu guddoomiyahu sheegay inay diyaar u yihiin inay xareeyaan lacag badan oo shilinka Somaliland ah isla markaasna ay suuqa ku soo daayaan lacagta adag ee doolarka si uu sare ugu soo kaco qiimaha shilinka Somaliland.

Waxa uu guddoomiyahu sidan ku sheegay shir jaraa'id oo uu warbaahinta kula hadlay waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Waxaanu ogaysiinaynaa dadweynaha reer Somaliland iyo inta ku shaqaysa sarifkaba in bangigu uu shalayto  bilaabay sarif uu suuqa galinaayo, kaas oo nalaga sugaayay balanqaadyo horena aanu u samaynay  shalayna aanu bilownay oo aanu wadi doonana ilaa inta uu hoos ka tagaayo, in badana waanu u soo xaam-xaamanaynay , dadkana waxaanu leenahay lacagtiina ha daadinina ee iska hubsada, shacbiga waanu u maqanahay oo heegan ayaanu u nahay."

Arintan ayaa ku soo beegmaysa xili qiimaha shilinka Somaliland uu hoos u sii dhacay, isla markaasna qiimaha lacagta doolarka ah ay sare aad ugu kacday, waxaanu sidoo kale ku soo beegmayaa hadalka baanka dhexe ee Somaliland, iyadoo ay socon waayeen amaro hore oo ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay sicir bararka.