Baahinta Luqadda Carabiga Ee Lagu Soo Kordhiyey Telefishanka Qaranka Oo Si Rasmi Ah Loo Daah-Furay

Published on Mar 06 2014 // Warar

Hargeysa (Geeska)- Baahin cusub oo ku baxaysa luqadda Af-carabiga oo lagu soo kordhiyey Telefishanka Qaranka Somaliland ee SLNTV, ayaa si rasmi ah loo daah-furay shalay.Picture3

Munaasib xarunta telefishanka loogu sameeyey shalay ku dhawaaqista qaybtan Carabiga oo laga sii dayn doonayo warar iyo barmaamujyaba, waxa ka qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta iyo Diinta iyo Awqaafta – Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Axmed Nuur Faahiye, Maareeyaha Telefishanka Qaranka Khadar Xasan Cali Gaas, madaxa Maktabadda Masaaridu ku leedahay Hargeysa, madax kale, siyaasiyiin iyo marti sharaf.

Maareeyaha telefishanka Qaranka Mr. Khadar Xasan Cali Gaas oo xafladdaasi ka hadlay, ayaa faahfaahiyey qaybtan cusub ee luqadda Carabiga oo uu sheegay in ay ka qaybqaadanayso soo noolaynta xidhiidhkii ka dhaxayn jiray Somaliland iyo dawladaha Carabta, taasi oo ah mid muhiimad wayn u leh dalka, isla markaana muddadii la tijaabinayey meelo badan si wayn looga soo bogaadiyey, isagoo si gaar ah u xusay safiirka Masar u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu u sheegay in isaga iyo diblomaasiyiin kale daawadeen oo ay aad ugu farxeen.

Waxa kale oo uu ku bogaadiyey tallaabadan ay ku hirgeliyeen luuqadan Carabiga Wasiirrada Warfaafinta iyo Maaliyadda – Maxamed Maxamed Daahir iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu sheegay inay u shaqaalaysiiyeen 7 qof ka hawlgeli baahinta qaybtan oo wararkeedu habeen walba bixi doonaan 10:00 iyo 12:00 cawsnimo.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in ujeeddada qaybtan cusub ee Af-carabigu tahay sidii wararka iyo barnaamijyada Somaliland ee telefishanku u gaadhi lahayeen waddammada Carabta, kuwaasi oo diin iyo dhaqanba Somaliland la wadaagto, isla markaana dawladda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ay waqtigan la samaysay xidhiidho muhiim ah.

Wasiir Cukuse waxa uu xusay in tallaabadan ay wasaarad ahaan qaadeen tahay mid ka mid ah siyaasadda xukuumadda ee u dejisan horumarinta telefishanka Qaranka.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi oo isna madasha ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey qabytan cusub oo uu ku ammaanay masuuliyiinta warfaafinta, isagoo tilmaamay muhiimada luuqadda Carabigu leedahay iyo baahida loo qabo in la horumariyo. Waxa kale oo uu Wasaaradda Warfaafinta ku bogaadiyey hirgelintii Idaacadda Qur’aanka Kariimka oo si joogto ah looga dhegaysto Qur’aanka.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Md. Axmed Nuur Faahiye, Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalka Ireland Cabdifataax Siciid Axmed, Madaxa Maktabadda Masaarida ee Somaliland, Fannaanada caanka ah ee Khadra Daahir Cige iyo Xaashi Muuse oo ku hadlayey afka dadweynaha, kuwaas oo dhammaantood si farxad leh u soo dhaweeyey qaybta Afka Carabiga ee lagu soo kordhiyey telefishanka Qaranka oo ay ku tilmaameen mid guul u ah dalka iyo dadka reer Somaliland.

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!