Baabuurta Naaftada (Diesel) Ah Oo Laga Mamnuucay In Ay Maraan Badhtamaha Magaalada Roma Ee Talyaaniga

42
4231

Roma (Geeska)- Duqa magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga Firjiiniya Raagi, ayaa xaqiijisay in lix sano kaddib, marka la gaadho sannadka 2024 baabuurta ku shaqaysa shidaalka Naaftada (Diesel) ka laga mamnuuci doono in ay dhex maraan magaalada caasimadda ah ee Rooma.

Qoraal ay Raagi ku faafisay barteeda Facebook ayaa ay ku tidhi, “Rooma waxa ay go’aansatay in magaalada Meksiko (Mexico) ku raacdo liiska magaalooyinka hormuudka u ah isticmaalka baabuurta nadiifta ah ee ay yar tahay dhibaatada ay deegaanka gaadhsiinayaan. Laga bilaabo sannadka 2024 ka, waxaa badhtamaha caasimadda Talyaaniga laga mamanuuci doonaa baabuurta dadweynaha ee mishiinkoodu ku shaqeeyo shidaalka naaftada ah (Diesel).

Haweenayda duqa ka ah magaalada Rooma ayaa warkan ku baahisay bafteeda Facebook mar ay ka soo baxday  shirka kooxda C40 oo ka qabsoomay magaalada Megsiko ee caasimadda dalka Megsiko. Shirkaad waxaa ka soo qaybgalay 92 ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dunida, waxa aana lagaga wada xaajoonayey dhibaatooyinka uu isbeddelka cimilada iyo diikhowga hawadu ku keeneen magaalooyinkan.

Sannadkii 2016 ka ayaa ay magaalooyinka Mexico, Paris, Athena iyo Madrid ku heshiiyeen in marka la gaadho sannadka 2025 ka ay jidadka dhex mara magaalooyinkan ka mamnuucaan gaadiidka dadweynaha ee ku shaqaya shidaalka Naaftada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here