Baabuur Loogu Talagalay Hawada Sare Oo Uu Qaadayo Dayaxgacmeed Kii Abid Ugu Awoodda Badnaa Ee La Gano

55
3151

Washington (Geeska)- Shirkadda Tiknoolajiyadda hawada sare ee SpaceX oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa ku guulaysatay in ay ganto dayaxgacmeed lagu magacaabo ‘Falcon Heavy’.

Dayaxgacmeedkan oo ah kii ugu horreeyey ee ay dirto shirkaddan uu leeyahay maalqabeenka Elon Musk waxa uu le’eg yahay qiyaasta guri ka kooban 23 dabaq, waxa aana saaran gaadhi noociisu yahay Tesla Roadster oo loogu talagalay in lagu dhex wadano karo meereyaasha la gaadhay guudkooda. Tallaabada gaadhiga lagu geynayo meeraha Maris ayaa ahayd tijaabo, waxa aanu dayaxgacmeedku badqab dib ugu soo noqday dhulka, oo uu ku soo degey fadhiisinkii laga ganay.
Tijaabada cusub ee dayaxgacmeedka Falcon Heavy ayaa ka dhigaysa in uu noqdo dayaxgacmeedka ugu weyn, culayska ugu badanna qaadi kara ee shaqaynaya ee dunida maanta jooga, kaas oo labaynaya dayaxgacmeedkii Saturn 5 ee wakaaladda hawada sare ee Maraykanku hawlgabka ka dhigtay sannadkii 1973 kii, iyo dayaxgacmeedkii Energeia ee dabayaaqadii sannadkii 1988 kii uu Midowga Soofiyati ganay.
Dayaxgacmeedka Falcon Heavy oo u diyaarsan in uu xambaaro miisaan dhan 70 Ton, ayaa bilowga hore galay wareeg dhulka ku dhow, waxa aanay khubaradu sheegeen in mar kasta oo uu hawlgalo uu kharash garaynayo lacag dhan 90 milyan oo doolarka Maraykanka ah.
Wakaaladda Space X ayaa sheegtay in ay go’aansatay in dayaxgacmeedka Falcon Heavy mar labaadka la ganayo uu sii qaado laba dalxiise oo doonaya in safar ay lacag iska bixinayaan lagu geeyo dayaxa, muddo kaddibna dhulka lagu soo celiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here