Baabuur Laga Soo Buuxiyay Walxaha Qaraxa Oo Muqdisho Lagu Qarxiyay

0
552

Picture4Muqdisho(Geeska)-Qarax xoogan ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee wadanka Somaliya, kaas oo sababay khasaare kala duwan.

Gaadhi bombooyin lagu siday ayaa ku qarxay meel dibadda ka ah hotel ku yaal magaalada Muqdisho.

Boliiska ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof ay ku dhaawacmeen markii gaadhigaas oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu hor qarxiyay hotel Maka al-Mukarama oo ku yaal badhtamaha magaalada ciisimadda ah.

Saraakiil dowladda ka tirsan ayaa waqtigaas hotel-ka ku jiray. Afhayeen dowladda u hadlay waxaa uu sheegay in weerarka ay fuliyeen kooxda al Shabaab oo laga yaabo inay kaga jawaabayaan weerarro milateri oo ciidammada dowladda Somaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga ay dhowaan ku hayeen kooxdaas.

Ciidammada wada jirka ah waxay weerarradaas ku qabsadeen ugu yaraan lix magaalo oo ay haysteen al Shabaab oo gacanta ku haya deegaanno badan oo ka tirsan koofurta iyo badhtamaha Soomaaliya.