“Aynu Ka Ilbaxno Khilaafaadka Siyaasiga Ah”

3
9694

Xildhibaan Saleebaan Garas

Hargeysa (Geexska)-Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay dib u dhaca ka yimid Doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka, waxaanu sheegay inay Madaxweynaha ka sugayaan Warqadii muddo kordhinta.

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq u diray Xisbiyada Qaranka, waxaanu ku taliyey in laga dheerado wax kasta oo khilaaf iyo muran keenaya, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Komishanka Doorashooyinku wey sheegeen in aanay Doorashooyinkii qorsheysanaa sannadka dambe inay dhacaan in aanay ku dhici karin muddada loo cayimay, sababahana aanay Doorashooyinku u dhici karina wey sheegeen, mar haddii ay Doorashooyinka dib u dhacayaana, Golaha Guuritda ayaa iska leh inay muddo kordhin sameeyso, Madaxweynaha ayaana hadda ka sugaynaa inuu noo soo gudbiyo warqadii ku saabsanayd arintan, markaas ayaana eegi doona, insha alaah, marka aanu isla eegno, Gole ahaan ayaanu ka mari doonaa waajibkayga Dastuuriga ah”.

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed  mar uu ka hadlaayey khilaafyada Xisbiyada ayaa yidhi “Somaliland inta badan waxay caan ku tahay, xalinta khilaafadka hadba soo kordha, iyo isku tanaasulka,carab iyo labadiisa daan baa is qaniina, waxna waa la isku qabtaa, waana laga heshiiyo, waana la isla xaliyaa, ee balse aynu ka ilbaxno khilaafaadka siyaasiga ah ee soo noq-noqda ee ku saabsan Doorashooyinka, sababtoo ah mar walba oo la gaadho wakhtiga Doorashada, waa la is qabsada, khilaafaad baana yimaada, ee inta aan Doorashada la gaadhinba, wax walba oo ku xidhan, oo khilaaf iyo muran abuuri kara, ha la sii xaliyo, I jiid aan ku jiidana faa’iido ma keenayso, ee Xisbiyadu ha heshiiyaan, oo xal deg deg ah ha gaadhan”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here