“Axsaabtu Maanta Ha Ka Taliyaan Sidii Dadka Loo Gargaari Lahaa”Suldaan Aadan

0
629

Hargeysa (Geeska)-Suldaan Aadan Faarax Cumar, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa talo u soo jeediyey Komishanka Doorashooyinka, waxaanu ugu baaqay oo uu kula taliyey in waajibka saaran ee Umaddu u igmatay si daacadnimo ku dheehan tahay u gutaan.

Suldaan Aadan Faarax Cumar, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Xisbiyada Qaranka ugu baaqay in aanay mar walba Siyaasad ku mashquulin ee ay Umadda wax u qabtaan, oo dadka dhibaataysan dhibka ka caawiyaan, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay Beesha Caalamka iyo dhaliilaha ay u soo jeediso Somaliland “Waxaynu nahay dad muslim ah, Illaahayna waxaynu la kulmi doonaa inagoo qof qof ah,oo aanay dawlad iyo cid inaga wakiil ahi aanu midna jirin, balse inagu waxaynu nahay umad isku tashatay, dhibaatada ugu badan ee maanta inagu dhacday, waa la arkayaa oo dadkeena boqolkiiba todobaatan reer miyi ayey ahaayeen, oo maanta beerkay dhulka ku hayaan, ee haddii ay Beesha Caalamku wax badan inoo tarayso, ee maaha in Siyaasaduun dabadda inagaga riixdo, maaha, ee danaha umadda inay wax inagaga taraan ayey ahayd, waxaan se leeyahay Umadda reer Somaliland ha isku tashato, sidii ay horeba iskugu tashatay, Beesha Caalamkana ka mid bay nahay, ee cidii ina wanaajisa weynu wanaajin, oo wanaag baanu kula dhaqmi, cidii aan waxba inagu tarina weynu ogaanaynaa”.

Suldaan Aadan mar uu la hadlaayey Xisbiyada ayaa wuxuu yidhi “Axsaabtu maanta ha ka taliyaan sidii dadka loo gargaari lahaa, laakiin maanta maaha wakhtigii lagu mashquuli lahaa  Siyaasada, ee waxaan leeyahay xagga abaaraha ha la eego, oo cibaddada iyo bisha ramadaana ha la eego, oo dadka wax ha loo qabto”.

Suldaan Aadan mar uu fariin u diraayey Komishanka wuxuu yidhi “Komishanka waajib uu Qaranku u doortay oo umaddu u igmatay ayaa saaran,ee inay Masuuliyadooda ilaaliyaan ayaa wacan iyaga ayey dhakada u saaran tahay, akhiro  iyo adduunkaba waa lagala xisaabtamayaa”

Dhinaca kale Suldaan Aadan wuxuu ka hadlay Roobka meelo badan oo Somaliland ka da’ay, waxaanu sheegay in umadda looga baahan yahay in ALLE ugu shukri naqaan Roobkaas curtay, kana faa’iidaystaan.