Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Hadlay Xilliga La Qabanayo Shirweynaha UDUB Iyo Soo Noqoshada Daahir Rayale Kaahin

0
640

 

ayaasinHargeysa (Geeska) Gudoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB ahna ku simaha gudoomiyaha xisbiga Md Axmed Yuusuf Yaasin ayaa sheegay in toddobaadka soo socda wixii ka danbeeya la gudo gali doono shirkii golaha dhexe ee xisbiga UDUB.

 

Dhawaan ayey ahayd markii uu gudoomiyaha xisbiga UDUB Md Daahir Rayaale Kaahin uu dib dalka ugu soo laabtay, iyada oo la filaayey in la qaban doono shirka golaha dhexe ee xisbiga, hase ahaatee waxaa taas dib u sii riixday  kadib markii uu Md Daahir Rayaale Kaahin uu dib uga dhoofay dalka, isaga oo haatan ku sugan dalka isutaga imaaraadka carabta, gaar ahaana Dubai.

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB Md Axmed Yuusuf Yaasin oo aanu wax ka waydiinay xiliga la qaban doono shirka golaha dhexe ayaa sheegay in uu qabsoomi doono kadib marka uu dalka ku soo laabto gudoomiyaha xisbigu, waxaanu intaas ku daray in todobaadka soo socda lagu wado in uu dalka yimaado Md Daahir Rayaale Kaahin, waxaanu yidhi isaga oo arrintaas ka hadlaya “isaga (gudoomiyaha) ayaa la sugayaa oo marka uu yimaado ayaa arrintaas la dhaqaajinayaa, muddo todoba cisho ah kadib haddii ilaahay ka dhigo, markaa arrintaasi halkaas ayey maraysaa,.”

Masuuliyiinta xisbiga UDUB ayaa si weyn uga dhur sugaaya shirka golaha dhexe, waxaana jira siyaasiyiin door ah oo u hanqal taagaya ka mid noqoshada musharaxiinta u tartamaya jagada hogaaminta xisbiga.