Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Hadlay Aragtidiisa Go’aankii Madaxweynuhu Uu Ku Laalay Heshiiskii Shirkada Shidaalka Ee Total

0
4330

 

ahmed-yusuf-yaasiinBorama(Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasin oo haatan ku sugan gobolka Awdal, gaar ahaana magaalada Boorame ayaa ka hadlay  go’aankii madaxweynuhu uu ku laalay heshiiskii mudada dheeree ee xukumadihii kala duwaanaa ee soo maray Somaliland ay la galeen shirkada Total ee shidaalka keenta.

Axmed Yuusuf Yaasin wuxuu sheegay in xukumada looga baahan yahay ciddii ay ku bedeli ahayd shirkada Total oo uu sheegay inay dalka faa’ido u lahayd.

Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlaayey sababtii uu madaxweynihii labaad ee Somaliland uu dalka ku keenay shirada Total ayaa yidhi, “Haddii aan dib u noqdo. Muxuu cigaal u keenay Total? Cigaal wuxuu ka lahaa laba arimood, mida koowaad waxay ahayd in dib loo habeeyo haamihii waa weynaa ee baaba’ayey, waxa kale oo uu ka lahaa in caalamku uu maal gashado. Laakin su’aasha taala waxa weeye yaa maal gashan doona? waa su’aal u taala xukumada.”

Geesta kale dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa aragtiyo u badan soo dhaweyn ka muujiyey go’aanka uu madaxweynaha Somaliland ku gaadhay in la joojiyo heshiiskii u dhexeeyey shirkada Total iyo Xukumada Somaliland.