“Axmed Siillanyo Saaxibtinimo Ayaa Naga Dhexaysa,Madaxweynaha Haddana Waa Madaxweynahayagii , Xisbiga Waddanina Waan Ahay”

60
4330

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac),

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka
tirsan Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay saaxibtinimada isaga iyo
Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siillaanyo yo sida uu yahay
xidhidhka isaga iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska
Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Kootada Haweenka,Saami
qaybsiga iyo Doorashada Wakiilada ugu horeyna isagoo ka hadlaya
Nabadgalyada ayaa yidhi “Waxaan leeyahay dadka nabadgalyada ha  la
ilaaliyo oo wadaninimada ha la ilaaliyo,oo shaydaanka inaga
naara,maanta inaynu Somaliland ku kala cararo uma fadhino,Qarankeena
ayaa wax walba ka weyn,nabadeena wax walba ka weyn,uma fadhino in
maanta nabadeena waxyeelo soo gaadho,ee aynu iska ilaalino wax kasta
oo nabadeena wiiqaya,waxaana leeyahay arintaas berriga iyo nimankaas
qul-qulaya yaan la dhayalsan ee wax ha ha laga qabto”.

Xildhibaan Nacnac mar uu ka hadlaayey Doorashada Wakiilada iyo Saami
qaybsiga ayaa yidhi “Saami qaybsigu wuxuu imanayaa Barlamaanka oo ka
dooda iyo tirikoobkii oo la sameeyo,wakhti bayna qaadanaysaa,ilaa
haddana looma dhaqaaqin;saami qaybsiguna wakhti buu qaadanayaa,Kooto
ayaa cid loo xdhayna socon maayo ee cod baa la isku
muquuninayaa,Dastuurka ayaana la raacayaa”.

Xildhibaan Nacnac mar uu ka hadlaayey saaxibtinimada isaga iyo Axmed
Siillaanyo iyo siday isku yihiin Madaxweyne Muuse Biixi ayaa yidhi
“Axmed Siillanyo saaxibtinimo ayaa naga dhaxaysa,Madaxweynaha haddana
waa Madaxweynahayagii oo wax mushkilad ahi nama dhex taalo  wada
shaqeyn baana naga dhexeeysa Xisbiga Waddanina waan ahay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here