Axmed Ismaaciil Samatar Oo Soo Jeediyay In Jid Cusub Loo Maro Aqoonsi Raadinta Somaliland, Dhaqaalena Loo Huro

0
631

Picture6Ottawa(Geeska/W.Wararka)- Prof. Axmed I. Samatar ayaa ku baaqay in jid cusub loo maro aqoonsiga Somaliland islamarkaana loo asteeyo miisaaniyad u gaar ah oo gaadhaysa 10 milyan dollar.

Prof. Samatar oo toddobaadkan ka qayb-galay kulan ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda Somaliland ee ku nool magaalada Ottawa ee wadanka Kanada, wuxuu kulanka Prof Samatar kaga hadlay qodobo ay ugu mudnaayeen wadada loo mari karo aqoonsiga Somaliland.

Prof. Samatar ayaa ugu horeyntii wuxuu sheegay inaan wali Somaliland helin wax aqoonsi in ka badan 23 sanno sidaa daraadeedna loo baahanyahay in la maro waddo ka duwan tii hore loo hayey. Prof. Samatar ayaa wuxuu tilmaan ka bixiyey sababaha ay Somaliland ula soo noqotay xorriyadeeda, kuwaasoo ay ka mid yihiin caddaad daro, musuqmaasuq, karti-la’aan, hoggaan-xumo iyo nabad la’aan.

 Prof. Samatar ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ah “Waa in adduunka laga dhaadhiciyo sababaha ay Somaliland u dooneyso aqoonsi, isla markaasna loo qoondeeyaa miisaanayd aan ka yareyn $10 million sannadkiiba taas oo gaar u ah ololaha gooni isutaaga Somaliland, sidoo kalana la helo dad aqoon iyo xirfadba u leh in ay gaadhsiiyaan shaqsiyaadka iyo dowladaha ku haboon sababaha ay Somaliland u dooneyso aqoonsi.”

Prof Samatar oo hadalkiisii sii wada ayaa waxaa uu tibaaxay in Somaliland ay heshay muftaaxii dowladnimo gaadhtayna siyaasad deggen, dimoqaraadiyad iyo dhismaha kaabayaashii dhaqaalaha,, taasoo laga arki karo jiritaanka raad dowladnimo.

Prof. Samatar ayaa wuxuu soo jeediyay in aanay Somaliland noqonin meel xukunku gacanta u galo koox gaar ah ama qabiil gooni ah, wuxuuna ku baaqay in sida kaliya ee ay Somaliland horumar ku gaadhi kartaa uu yahay wadajirka iyo ka wada qayb-galka maamulka dowladnimo.

Wuxuu kale oo uu ka hadlay dhibaatada uu qaadku ku hayo dhaqaalaha Somaliland, isagoo ku taliyay in qaadka la iska daayo si loogu bedelo lacagta la geliyo dhinaca horumarka.