Axmed Cabdi-Dheere Oo Ku Baaqay In Loo Midoobo Sidii Ay Doorashadu U Qabsoomi Lahayd

0
843

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan Mushaxnimada Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga UCID, oo ilaa hadda jirin,xulashada Faysal Cali Waraabe, ee Gobol Sanaag, iyo inuu ka duwanaado Kulmiye iyo Waddani, oo musharaxiintooda Madaxweyne ku xigeen ka soo jeedaan Gobolka Awdal.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay loolanka Xisbiyada, Doorahada Madaxtooyada, waajibaadka saaran Komishanka, aragtida Beesha Caalamka ee Somaliland iyo socdaalka Xisbiga Kulmiye ee Gobolada Barri, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadalya deegaanada kala duwanaa ee uu Xisbigiisu soo maray “Anigoo ku hadlaya afka Xisbiga Kulmiye, waxaan aad ugu mahadnaqayaa dadka degan Deegaanada Laasa-dacawo iyo Suuq-sade, oo Gobolka Saaxil, ka tirsan, deegaanadana waa deegaanadii uu Xisbiga Kulmiye ka bilaabay socdaalkiisa, si aad iyo aad u qiimo badana waa loogu soo dhaweeyey, waxa kale oo aad ugu mahadnaqaya dadweynaha degan Hadaaftimo, oo iyana si aad u qurux badan Xisbiga u soo dhaweeyey, gaar ahaan Suldaanka guud ee Warsan-gali, isagana aad baan ugu mahadnaqayaa, madaama uu si gobonimo leh Xisbiga u qaabilay, sidoo kale sidoo kale dadweynaha degan Gobolada Sool, Sanaag, Togdheer iyana waan u mahadnaqayaa, halka dadweynaha degan Degmooyinka Gacan Libaax iyo Macalin Haruuna iyana si aad u fiican u soo dhaweeyeen Xisbiga, dhinaca kale dadweynaha degan Gobolada Awdal iyo Maroodi-jeex iyana mar walba si fiican bay u soo dhaweeyaan una qaabilaan Xisbiga, markaas guud ahaan waan u mahadnaqayaa Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee kulmiye mar uu baaq u diraayey Taageerayaasha Xisbiyada ayaa yidhi “Waxaan dhammaan u sheegayaa taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, inay Doorashadii inagu soo dhawdahay,waxaana kula talinayaa in madaama wakhtigii ololuhu inagu soo dhaw yahay in aanay sameeynin wax dhib ah, si ay inoogu dhacdo Doorasho nabadgalyo ahi, oo qof waliba meesha uu joogo ha ku dadaalo, waxaana leeyahay si nabadgalyo ah ku gala abaabul iyo dadaal fara badan, Xisbiyadana waxaan ugu baaqayaa inay diyaar u ahaadan Doorashada, wakhti yar baa inoo hadhay, olole ayaa la galayaa, waxaana kula talinayaa Xisbiyada kale in si sharaf leh Taageerayashooda wax ugu sheegaan, dadka reer Somaliland wax turxaan lehi kama dhexeyso ee tartan ayaa la galayaa, muhiimadeenuna waa inay Doorasho qurux badani inoo dhacdo, si dimuqraadiyadeenu inoogu hirgasho, waxaana Taageerayaasha Kulmiye ku gubaabinayaa in marka Xisbiyada UCID iyo Waddani waddooyinka marayaan in wax alaale wax rabshad ah aanay sameeynin, labada Xisbi ee kalena waxaan ka filayaa in iyana ay taageerayaashooda gubaabin doonaan, sidaas ayeyna sharafta iyo wanaaga Somaliland inoogu jirtaa”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Kulmiye mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa ydhi “Komishanka Doorashooyinku siday hawsha u wadaan aad iyo aad baan ugu amaanayaa, Goboladan Sool iyo Sanaagna waa labadii Gobo lee ugu dambeeyey, wax walibana ilaa hadda sidoodii bay u socdaan, hawsha kaadh qaadashada ilaa maalintay bilaabeen ilaa maanta si fiican bay u wadaan, aadna waan ugu mahadnaqaynaa haddii aanu nahay Xisbiga Kulmiye, kalsooni fara badana waanu ka qabnaa, waxaana ku gubaabinayaa in sidaas ay wax u wadaan, inay u sii wadaan”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye mar uu ka hadlaayey aragtida beesha Caalamka iyo qabsoomida Doorashada ayaa yidhi “Xisbi ahaan waxaanu aaminsan nahay haddii aynu Doorashadaas ku guntano, oo si nabadgalyo ah oo qurux badan inoogu dhacdo, insha allaahna wey inoogu dhiciye, in aqoonsigu inoogu xigi doono, beesha Caalamkuna xoog inoogu soo jeedsan doonto, iyadoo la wada ogsoon yahay in aad loo eegayo siday Doorashadu u dhacdo, waxaana ILLAAHAY ka rajaynayaa in aanay in aanay Doorashadeenu inaga noqon Doorashooyinka ka dhaca Afrika, ee ay inoo noqoto Doorasho aynu ku wada qanacsan nahay, oo garbaha la iska wada taago”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko Gobolka uu ka soo xulayo Faysal Cali Waraabe musharax ku xigeenkiisa,inuu ka duwanaado Musharixiinta kale, ee Awdal ka soo xushay, iyo wakhti la filan karo ayaa ku jawaabay “Xisbi kasta uu u madax banaan yahay Gobolka uu ka soo xulayo Musharax iyo Musharax ku xigeenkiisa, Xisbi kastaana isaga ayey u taala cida uu keensanayo, iyo Gobolka uu ka keenayo,kolay Kulmiye iyo Waddani waa u diyaar Musharaxa Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa, UCID waxaan leeyahay wakhti yar baa inoo hadhay diyaarsada Musharax ku xigeenkiina”.