Axkaamta soonka

7
1330

 

 

Diyaariye: Sheekh Maxamed Xasan Jamac

 

Cabdilaahi Bin Cumar waxa uu yidhi maalin baa bishii la eegay, markaas aniga ayaa arkay bishii  Nebiga (nnkh) ayaan u sheegay inaan arkay markaas Nebigu waa soomay, dadkiina waxa uu amray inay soomaan. Xadiiskan waxa aynu ka arkaynaa in hadii hal qof uu arko bisha, lagu soomi karo.

 – Sida ay inoo sheegeen culimada waaweyn ee Islaamku, Aragtida waa loo adeegsan karaa qalabka soo dhoweeya araga ama qalabka weyneeya. Sabata oo ah, waxa wax lagu arkayaa waa ishii uun, mar hadii isha uu yahay waa caadi in la adegsado qalabyada casriga ah ee  fududaynaya in larko bisha.

Xisaabaha falakiga ah ma lagu soomi karaa?

Suaashan jawaabteedu waa, MAYAsababtoo ah aragti  maaha nebiguna (nnkh) waxuu ina faray in marka la’arko bisha la soomo marka la arkana la afuro markaa lama adeegsan karo xisaabahan falakiga ah waana  xisaabaha ay ku salaysanyihiin kalandarada (Waraaqaha taariikhda laga eego) aynu isticmaalno ee inta badan aynu ka eegano taariikhda. Wadamada islaamka ee waaweyn sida sacuudiga oo kale laguma soomo lagumana afuro xisaabaadka falakiga ah  laakin wadanka aadka looga isticmaali jiray waa wadanka Liibiya oo inta badan dadka muslimka ah khilaafi jiray mudadii sodonka sano ahayd ee u danbaysay.

F.G: Xisaabaha falakiga ahi waa xisaabaha ku dhisan cilmiga ka hadla xidigaha iyo cirka  waana xisaabo loo adeegsado waxayaalo badan  oo kala dawn oo ay ka mid tahay in lagu qiyaaso wakhtiga .

Hadii hal wadan oo wadamada islaamka ka mid ah laga arko maku wada waajib baa dadka muslimka ah oo dhan inay wada  soomaan?

Arrintan  marka si qoto dheer loo eego waa in  loo tixgelinayo madaalicda oo wadamada isku madaalicda ah waa inay mar wada soomaan wadamada ku kala duwan madaalicdana mid walba marka laga arko ayaa ay soomayaan dadkiisu  iyadoo culimadii hore ee Islaamku arintaas ay tusaale uga dhigi jireen wadamada Andalus (Spain) iyo Khuraasan (Afgainstan iyo qaybo Iiran ah).

Haddaba akhristow madaalicdu horta waa maxay?

Madaalicdu  waxa weeye xiliga qoraxdu u soo baxayso wadan walba, markaa taasina waa wax  la ogayahy in aduunku ku kala duwanyahay xiliayda qorax soo baxa iyo qorax dhaca  wadamada qaarkoodna  wakhti aad  u badan ayaa u dhexeeya, markaa wadamada  isku dhaw xaga wakhtiga  waa inay mar wada soomaan marna wada afuraan sida inaga iyo wadamada carabta oo kale  ilayn xaga wakhtiga inaga iyo sucuudiga wax badani inooma dhexeeyo,  markaa wadama isku madaalicda ah waa ay wada soomayaan waana wada afuraan, laakin wadama ku kala duwan madaalicda iyaga khasab maaha inay mar wada soomaan ee qolo walba markay arkaan bay soomi markay arkaanna way afuri.

 laakin akhristaw waxa nasiib daro ah in dalkeena ay mararka qaar ka dhici jirtay in  laba maalmood oo kala duwan  la soomo ama la ciidoba, taasina waa arin aan wax cudur daar ah lahayn waana arrin loo bahanyahay in laga waantaabo .

suxuurta iyo afurka

qofka muslimka ah waxa loo suneeyey inuu saxuurto habeenkii gar ahaan gelinka danbe  taas oo dhawr arin looga jeedo:

1)in qofku soonka ugu xoogaysto

2)in lakhilaafo yahuuda oo iyagu aan soonkooda u suxuuran

3)in  suxuurtu leedahay barako sida nebigeenu inoo sheegay barakooyinka suxuurta ee aad arki kartid waxa ka mid ah iyadoo qofku markuu gelinka danbe ee habeenkii saxuurto ay u fududaanayso inuu salaada subax ku tukado jamaaco  taasina waa wax la dareemi karo oo bisha ramadaan dadka subaxdii masaajidka yimaadaa waa ka badanyihiin xiliyada kale dadka yimaada

Waxa kaloo ka mid ah barakada suxuurta iyadoo ay ku beegantahay habeenka gelinkiisa danbe  oo ah xilga ilaahy ducada aqbalo oo markaana ay tahay qofka muslimka ahi inuuu ka faaiidaysto oo ilahay ka baryo waxii uu u baahanyahay ee arimaha aduun iyo kuwa aakhiraba ah.

Afurka

waxa  kaloo sune ah in la afuro  marka maalintu dhamaato weliba waa inaan loo kaadin, oo qoraxdu markay dhacdaba  la afuraa, iyadoo taasna lagu khilaafayo yuhuuda oo iyagu afurka la suga ilaa fiid ay noqonayso waxa  kala mid ah yuhuuda arintan kooxaha shiicada oo ah  koox muslimiin ah laakiin ka habawday dariiqiii rasuulka.

waxa fiican in lagu afuro timir   hadii aanad timir heli Karin waainaad k afurtaa biyo  sidaasi waa sida nebigeenii inoo suneeyey

 markaas aka dib qofku waxii kale ilaahy u fududeeyey ha cuno.

shuruudaha soonka

marka hore shroud  waxa looga jeedaa waa waxyaaalaha hadii laga waayo  aan soon kii ansaxaynin  markaa shuruudaha soonku waa sidan : La soco…

Comments are closed.