Dumarka Xilalka Ka Haya Goobaha Shaqada Oo La Ogaaday In Ay Quudhsadaan Haweenka La Shaqeeya

52
2970

Phoenix (Geeska)- Cilmibaadhis ay sameeyeen saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Arizona ee dalka Maraykanka ayaa caddaysa in nacaybka ay dumarka wada shaqeeyaa dhexdooda isu qabaan uu ka badan yahay nacaybka iyo madmadowga gala xidhiidhka u dhexeeya dumarka iyo ragga wada shaqeeya. Cilmibaadhistu waa ay ogaatay in dumarka shaqaalaha ah ee jecel in la dallacsiiyo ama xilal sare ka helaan shaqadoodu ay dhaqan u leeyihiini n ay marka hore geeska geliyaan, dagaal adagna ku hayaan dumarka kale ee xilalka fiican ka haya goobta ay ka wada shaqaynayaan.

Baadhistan oo si gaar ah u eegaysay waxyaabaha gabadha culayska ama diiqadda ku haya xilliga shaqada ayaa lagu ogaaday in dumarku ay si gaar ah joogto ugu bartilmaameedsadaan dumarka kale ee ay wada shaqaynayaan, halka raggu ay ragga kale ee la shaqaynaya ula macaamilaan si ka aad uga anshax fiican sida ay dumarku ula macaamilaan dumarka kale.

Allison Gabriel oo kaaliye bare-sare ka ah jaamacadda ayaa isaga oo ka hadlaya natiijada ay cilmibaadhistani soo saartay waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa aanu baadhnay gabadha shaqaalaha ahi, ragga ama dumarka la shaqeeya midka ay dhibta gaarka ah iyo nacaybku ka soo gaadhaan. Waxa aanu helnay caddaymo sugan, oo muujinaya in dumarka shaqaalaha ah cidda ugu badan ee dhibta ugu darani ka soo gaadhaa ay yihiin uun dumarka ay wada shaqeeyaan. Taas oo marka la barbar dhigo dhibaatada iyo nacaybka ka soo gaadha ragga ay aad u badan tahay midda dumarka ka soo gaadhaa”

Cilmibaadhiso nafsiya oo la sameeyey sannadkii 1973 kii ayaa lagu ogaaday in gabadha xilka haysa ama mansab muhiim ah ka joogta goobta shaqadu ay dumarka la shaqeeya iyo kuwa ay madaxda u tahay u aragto ama ula dhaqanto si aad u qallafsan oo quudhsi badani ku jiro. Majaladda Applied Psychology oo baahisay natiijada daraasaddan uu Geeska Afrika turjumay ayaa iyaduna xustay in natiijadan lafteeda ay ka marag kacday haweenayda caalmikii cilminafsiga xilligan aadka looga dambeeyo, Dr. Audrey Nelson oo bare sare muddo 10 sano ah ka ahayd Qaybta War-isgaadhsiinta ee jaamacadda Colorado, muddo 30 sano ahna loo aqoonsanaa la taliye caalamiya oo tababarro iyo talobixin siinaysay hay’ado dawladeed iyo shirkado caalamiya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here