Awr Nin Ku Cunay Deegaanka Balidhiig

0
574

Balidhiig(Geeska)-Awr dad cun ah ayaa dhaawacyo ugu gaystay magaalada Balidhiig ee Gobalka Togdheer marxuum Cawil Gaaruuf oo wax yar kadib u dhintay dhaawacyada uu awrkaasi gaadhsiiyay.

Awrkan oo toban jir ah ayaa uu ka muuqdaa dhiig badani afkiisa waxaana uu u muuqday mid gadoodsan oo dagaalansan.

Cabdiqani Saleebaan Shire oo ka mid ah ehelada marxuumkan uu awrku cunay ayaa ka hadlay sida uu awrkaasi u cunay marxuumka "Awrkan aanu hortaaganahay waa Awrkii cunay Cawil Gaaruuf Alle naxariistii jano ha ka waraabiyo, danbigiisa ha dhaafo oo qabriga hawnuuro,awrkani waa gacan ku dhiiglihii dilay Cawil Gaaruuf waa qaalin da'diisu yartahay oo 10 jir ah hadana Alle ayaa ku sababay, dhiigii wali afkiisa ayuu kaga yaalaa oo ilaa hada waa dagaalansan yahay iyada oo laga joogo 24 saac oo la soo saaray gaadhi lana keenay Balicalanle oo la soo daldalay, ilaa hadana waa dagaalansan yahay."

Marar dhif ah ayaa la arkaa in dadka xoolo dhaqatada ah ee reer Somaliland ay cunaan warta ay rartaan ama awrka baarqabka ah ee loo reebo halaha oo dadcunooba.