Awoodii Ay Xukuumadu Ku Horistaagtay UCID Maxay Ugu Fulin Weyday Cabdiweli Gaas?

31
1011

Picture1Badhan(Geeska)-Cabdweli Maxamed Gaas oo ka mid ah murashixiinta u tartamaya doorashada madaxweynaha Puntland, ayaa shalay safar la xidhiidha ololaha doorashada Puntland ku yimid magaalada Badhan ee xarunta gobalka Badhan ee Somalialnd.

Cabdweli Gaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay Badhan, ayaa wuxuu khudbad u jeediyay dadweynaha magaalada oo meel fagaare ah isugu soo baxay, waxaana soo dhaweeyay suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan. Xukuumadda Somaliland ayaa safarkan iyo kuwo ka horeeyayba ka hadal, halka ay kaga mashquulsantahay la muranka xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland.

Safarka Cabdiweli wuxuu ku soo beegmayaa toddobaad ka dib markii ay xukuumadda Somaliland xisbiga UCID ka horistaagtay inay booqdaan magaalada Gabiley ee xarunta Gabiley, waxaana la isweydiinayaa sababta ay xukuumadda Somaliland awoodii ay u adeegsatay xisbiga UCID ay kaga hortegi weyday siyaasigan daandaansiga u yimid dhulka Somaliland ka tirsan.

 

Comments are closed.