ATU-Daryeel Oo Samaysay Adeegyo Caafimaad Oo Bilaa Lacag Ah

0
649

Hargeysa(Geeska)-Cisbitaalka ATU-Daryeel ee magaaladda Hargeysa, ayaa soo gabagabeeyay adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah, oo socday muddo laba maalmood ah oo ka faa’iidaysteen in ka badan 500 oo qof. Dadkaas oo u badnaa dumar iyo carruur ku dhaqan degmadda Gacan-libaax, gaar ahaan xaafaddaha Magaalo Ugaaso, Magaalo Jimcaale iyo Dab-la-taagay. Waxa sidoo kale loo qaybiyay qaybiyay daawooyin iyo agabka nadaafadda.

Adeegyaddan caafimaad ayaa ay ka qayb-qaadanayeen ardaydda dhigata Jaamacadda Abaarso Tech oo uu cisbitaalku hoos yimaado, iyagoo kaashanaya dhakhaatiirta ka hawlgali doonta cisbitaalka oo dhawaan la furi doono.

Dadkaas oo tiradoodu dhammayd 514 qof, ayaa halkaasi ay baadhitaanadda iyo daawaynta ugu samaynayeen saddex dhakhtar oo ku kala takhasusay cuduradda guud, carruurta, haweenka.

Waxa halkaasi gagabaddii barnaamujkan caafimaad ee soconayay muddada labadda cisho ah ka hadlay Guddoomiye Ku Xigeenka Cisbitaalka Mud. Axmed Cali Maxamed, oo ka warbixiyay ujeedadda adeegyaddan caafimaad oo uu sheegay inay yihiin kuwo la gaadhsiinayay dadka danyarta ah, gaar ahaan hooyadda iyo dhallaanka. Waxaanu intaa Axmed ku daray inayna adeegyaddani noqon doonin kuwii ugu danbeeyay, balse ay qaban doonaan barnaamujyo kale oo hor leh, oo bulshaddu ka faaiidaysan doonto. Waxaanu mahadnaq u jeediyay ardaydda Jaamacadda Abaarso Tech, gaar ahaan kulliyadaha Public Health ka iyo Biomedical Science ka, oo ka qaybqaadanayay barnaamujkan, oo uu sheegay inay dedaal dheeraad ah ay muujiyeen intii shaqaddu socotay.

Waxa isna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Cisbitaalka ATU-Daryeel Mud. Axmed Maxamuud Adan, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu barnaamujku uu guul ku soo gabagaboobo, isagoo xusay inuu qorshahu ahaa inay daaweeyaan 200 oo qof, oo hore kaadhadhka loogu qaybiyay, balse ay soo xaadireen boqolaal kale oo doonaya inay fursaddan ka faaidaystaan, ay taasina keentay inay wax ka baddalaan qorshahoodii, sidaa darteedna haatan daaweyn loo fidiyay in ka badan 500 oo qof. Mud. Axmed Maxamuud Aadan wuxuu aad ugu mahadnaqay guddida xaafadda uu cisbitaalku ku yaalo iyo guud ahaan dadweynaha xaafadda oo aad ula shaqeeyay. Mud. Axmed wuxuu yidhi, “Wuxuu cisbitaalku uu si rasmi ah u furmi doonaa, 20 bisha June, haddii Alle yidhaahdo.” “Hadafkayagu wuxuu yahay in adeegyo caafimaad ee dalka horumar balaadhan ku soo kordhino, anagoo keenayna adeegyo caafimaad oo tayo leh.”

Waxa ugu horrayn halkaasi ka hadlay Agaasimaha Cisbitaalka ATU-Daryeel Hospital, Axmed-Sanjab, oo ka warbixiyay adeegyaddan ay u fidinayaan dadweynaha xaafadda ku dhaqan, kuwaas oo ay ku sheegay inay ka mid tahay hadafkooda inay dadka jilicdansan ay had iyo jeer garab istaagaan. Waxaanu sheegay inuu cisbitaalku uu dhawaan si rasmi ah u hawlgali doono.

Dhanka kale, waxa halkaasi isagu ka hadlay Guddoomiyaha ku Xigeenka, Dr. Axmed Xuseen Ciise oo sheegay inay Jaamacad ahaan ay soo kordhiyeen cisbitaalkan oo noqon doona mid adeegyo badan oo dhinaca caafimaadka ah bixiya, gaar ahaana, hoos tagaya kulliyadaha culuunta caafimaadka ee jaamacadda, oo sannadkan bilaabaysa qaybta dhakhtarnimadda.

Dadweynaha xaafadda ku dhaqan ayaa aad u soo dhaweeyay adeegyaddan ay cisbitaalku u sameeyay, kaas oo socon doona muddo laba cisho ah.