“Astaanta Qaranka Aniga Ayaa Sameeyay, Waana La Ii Diiday In La Ii Aqoonsado

0
780

Picture5Hargeysa(Geeska)-Intii la socotay cadadkii hore, waxaanu idiinku soo gudbinay waraysi aanu la yeelanay Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan).

Cabdillaahi oo ah ninkii sameeyey Astaanka u gaarka ah Somaliland ayaa sheegay in Xukuumaddu ay iska indha tirtay una diiday inay u aqoonsato inuu isagu lahaa  fikrada iyo aasaaska Astaanka Somaliland,waxaanu ayaan daro ku tilmaamay in laga saso Magaca SNM.

Cabdilaahi Jawaan ayaa dhanka kale xuay inay dhibaatooyin badani ka muuqdo oo ay dayacayihiin Mujaahidiintii SNM, halka Hogaamiyayaashii SNM uu mid walibna uu Maanta meel fadhiyo, waxaanu Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu hoos u eego Mujaahidiintii dalka u soo dagaalamay, isaga oo ka codsaday inuu qadarintooda mariyo.

Cabdilaahi Jawaan ayaa sidoo kale ka hadlay sida uu arko Odeyaasha Somalia ka yimid, waxa kale oo uu ka hadlay Xuska 18-may, iyo sida ay ku timid , waxaanu yidhi isaga oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika   “Waxaan doonayey in aan ka hadlo dhawr arimood oo la xidhiidha Somaliland, ee hadda taagan iyo wixii sameeyn ku yeelan kara, haddii aan ku horeeyo Odeyaashii ka yimid Xamar, anigu lamaan shirin, lamanaan kulmin, balse waan dhegeeystay waxa ay ku hadlayeen, waxayna yidhaahdeen 1960-kii, ayaad Muqdisho noogu timaadeen, oo Calankii iyo Dawladnimadii keenteen, anaguna waxa aanu Maanta u nimid in aanu idinka abaal celino taas, abaal celintiina waxa ay ku dareen Abaarihii aynu ugu gurmanay, wax ay iyagu inuu keeneen may jirin, waxa la eegayey oo qudha  inay marka hore yidhaahdaan waxaynu ahayn lab dal oo isku tagay 1960-kii,waxaana Maanta idinku nimid madaama aad dal isku tashaday oo wax qabsaday aad noqteen in aynu noqon laba dal oo Walaalo ah oo iska kaashada, waxa ay inoo keeneen oo qudha  wax dadkeena dhibaatooyinkii iyo boogihii hore u gaadhay damqaaya oo ay taabteen, waxa ay yidhaahdeen xidhiidhkii hore u xumaaday iyo albaabkii la xidhnay in aanu furno ayaanu doonaynaa,Guddoomiyaha Odeyaasha Hawiye  Maxamed Xasan Xaad, oo runtii ah Nin odey ah, wax aan ka filaayey maaha, albaabkan uu leeyahay waan furayaana waa in Somalia dib loo mideeyo, marku eraygaas sheegayeyna waxa uu iska ilaaliyey Somaliland iyo Somalia, balse waxa uu yidhi Somaliland iyo Koonfur albaabkii ka xumaaday ayaanu dib u furaynaa si dadkii ay isku dhex galaan, Shantii Somaliyeed wey is dhex galaan, meelna meel looma diido, Ganacsi ayey leeyihiin, wada noolasho ayey leeyihiin, kala guursasho iyo dhaqan ayey wada leeyihiin, xittaa dhinaca Waxbarashada wey wadaagan, dadka reer Somalia Gobolada kala duwan ee Somaliland wey joogaan, waxna wey ka bartaan, cidi ma diido, lamana jidh diido, balse dhinaca Dawladnimada ayuu   Maxamed Xasan Xaad ka hadlaya, Somalia, shan ayuu Gumeeysigu u qeybiyey, Xuduudo ayaa loo kala jeexay, sidoodii ayey mid waliba tahay, inta badan Ragga Somaliland ka dhashay ayaa yidhaahda Walaalayaal, lakiin anigu idin dhihi maayo ee Somalia waxaan leeyahay dawladiina dhista anagu taayadii waanu dhisanee”.

Cabdilaahi Jawaan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Afar Doorasho ayaanu qabanay, Nabad ayaanu hirgalinay, afti Dastuur ayaanu sameeysanay, waxa la yidhaahda Odeyaasha Somaliland ayaa ka caqli wanaagsan kuwa Somalia, balse Jabhadii Siyaad Bare riday ee kala duwanaa oo anagu SNM ahaan waxa aanu soo qorshaysanay in dadkii la isku diray la walaaleeyo, oo la isa saamaxo, Berbera ayaanu Shir ku qabanay, waxa aanu ku tashanay in xoriyadii inaga luntay dib loo soo celiyo, haddii aanu nahay Golihii dhexe ee SNM 17-may u xalaaleeynay, taas oo la go’aamiyey inay SNM dalka xunto laba sanno,waxa naga maqnaa oo qudha Boorama, Laascanood iyo Laasqorey, iyana markii dambe wey nagu soo biireen Golihii dhexe ee SNM iyo Xukuumaddii ayey ka mid noqdeen, Golihii dhex ee SNM ayaa Barlamaan loo badalay”.

Mar uu Cabdilaahi Jawaan ka hadlaayey Astaanka Qaranka ee uu sameeyey oo loo diiday in loo aqoonsado iyo dhibaatooyinka ka muuqda Mujaahidiintii SNM ayaa yidhi “Astaanka Qaranka ee Somaliland aniga ayaa sameeyey, maalin dhawayd ayaan idhi dalka ayaan ugu deeqay ee ha la ii aqoonsado oo aan Xukuumadda ka codsaday, laba jeer ayaana la ii diiday oo la igu yidhi laguuma aqoonsanaayo, markii dambe waxa aan u tagay Ninkii Garyaqaanka ahaa ee ku shaqo lahaa, waxaan ku yidhi maxaad igu diidaysaan, kadibna waxa uu igu yidhi Magaca SNM ayaa meesha ku qoran, waxaanu yidhi haddii Magaca SNM laga saaro waan qorayaa, anigu Ninkan la yaabi maayo, oo Caalamka dadka waxa u qabtay wey qadariyaan, wey sharfaan, oo sumcadooda ayey dhawraan, oo waxa la yidhaahda waa dadkii waxaas sameeyey, balse inaga dib loo eegi maayo,Mujaahidiin badan oo xitaa qaar hogaamiyayaal ahaayeen ayaad arkaysaa iyaga oo Gidaarada fadhiya, qaar Cago la’a, qaar Gacmo la’ qaar Indho la’ iyo  qaar waashay ayaad arkaysa, waxa kale oo layaab leh in Hogaamiyayaashii ugu sareeyey ee aasaasay SNM uu midba Maanta Gidaar ka qaylinaayo, Maxamed Xaashi meel ayuu fadhiyaa, Xasan Ciise meel ayuu fadhiyaa, Xasan Guure meel ayuu fadhiyaa, Ibraahim Dhego-weyne meel ayuu Fadhiyaa, Cabdisalaan Yaasiin Kuliyad ayuu hoos fadhiyaa, Axmed Mire oo dalka ka tagay oo London fadhiya, cida wax qabata waa la uruuriya, hawsha Qarankana Ninku inta uu qaban karo ayaa laga faa’iideeystaa, kii hawl-gabana maamuus iyo sharaf ayuu ku noolaada, waxaana Xukuumadda, Mucaaradka iyo Masuuliyiinta is haysta Qaranimadeena meel aynu uga soo wada jeedsano, oo aynu ilaashano, Madax meel ka sareeysa oo la salaaxo ma jirto, markaas Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxaan ku leeyahay dalkan dadkii u soo dagaalamay una soo dhintay qadarintooda mari, amar aan ku siinayo oo aad garan weyday, Madaxweynahaygii ayaad tahay, qadarin balaadhan ayaan kuu hayaa, balse Muwaadin ayaan ahay oo wixii khaldan ee aan arko xaq ayaan u leeyahay in aan sheego, anigu Xisbina hadda kuma jiro, Kulmiye ayaan galay, balse Kulmiye fikrad ayaan kaga joogay oo ah Qabiil, waxaana yidhi anigu Qabiilkaas ma galaayo, oo Banaanka ayaan ka joogay, Qabiilkiina wuu sii kordhoo waa tii Qabiil lagu qeybsaday, UDUB ayaa inaga dhimatay, Kulmiye ayeynu ognahay halka maanta uu marayo, markaas si ay waxa inoogu hagaagaan Qabiilka ha la xakameeyo .”